HomeMadaxweynaha Somaliland oo Kulamo La Qaatay Wufuud Ajaanib ah oo dalka u...

Madaxweynaha Somaliland oo Kulamo La Qaatay Wufuud Ajaanib ah oo dalka u yimi Ka-Qaybgalka Xuska Munaasibaddii 18-ka May (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulamo la yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo dalka u yimi ka qayb-galka 28-guurada maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ah markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991=kii.

 

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada, Maxamuud Jaamac, waxa lagu sheegay sidan:-  “Waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda Dabbaal-degga 18-ka May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli lahaayeen maalinta farxaddooda.

blank

Xubnaha weftiga oo k kala socda dalalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xidhiidh wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay kamid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qaybgalka dabbaal-degga maalinta qaran ee 18-ka May, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey maalintaa qaran ee 18 May.

blank

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay madaxweynaha ku bogaadiyeen dedaalka uu ugu jiro inuu dhiso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale, horumarka iyo wada jirka shacbi weynaha Somaliland gaadheen.

 

Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa kamid ah weftiyo kala duwan oo Somaliland u yimi ka qaybgalka munaasibadda qaran ee 18-ka May oo maalintii shalay sii heer qaran ah looga dabbaal-degay guud ahaanba dalka iyo dalalka Kale ee caalamka oo ay jaaliyadaha reer Somaliland ku xsueen sannad guuradda 28aad ee 18 May.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories