HomeMadaxweynaha Somaliland oo Kormeerkiisi U Horeeyey Ku Tegay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Madaxweynaha Somaliland oo Kormeerkiisi U Horeeyey Ku Tegay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa-(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ku leedahay gudaha caasimadda Hargeysa maanta.

IMG_4307Kormeerka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda oo qaranka muhiim u ah isla markaana uu ugu kuur geli lahaa caqabadaha haysta,  ayaa waxa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey wasiirka wasaaradda horumarinta caadimaadka Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, agaasimihiisa guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda.

Ugu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay hawsha wasaaraddu si habsami leh u socoto, isla markaana ay shaqaalaha iyo madaxdu iyaga oo isku duuban diyaar u yihiin fulinta dhammaanba ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE ee ku wajahnaa kor u qaadista heerka caafimaad ee dalka iyo sidii ay bulshadu u heli lahayd daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey, ayaa muujiyey sida ay wasaaradiisu diyaarka ugu tahay inay  ficil u beddesho dhammaanba wixii uu xisbigu hore uga qorshaystay dhinaca daryeelka caafimaadka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne waxaan  kugu soo dhaweynayaa wasaarad uu is-beddel badani ka muuqan doono oo aanu isku dayi doono in himiladii aad  lahayd, tii xisbigu lahaa iyo tii umaddu lahaydba inaga oo isku duuban aanu hirgelino oo annaga oo isku duuban oo si caddaalad ah wax u maamulayna in qof kasta oo Somaliland u dhashayba aanu isku dayno in aanu gaadhsiino adeeg caafimaad, cududda caafimaad ee maanta aynu haysaana ay tahay mid lagu kalsoonaan karo oo ka jawaabi karta baahiyaha caadimaad ee ina haysta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna kormeerka wasaaradda horumarinta caafimaadka kadib halkaas hadal hogo-tusaalayn iftiiminta qiimaha ay bahda caafimaadku bulshada ugu fadhido halkaas ka jeediyey, ayaa sheegay inay shaqada caafimaadku ka xaasaasisan tahay dhammaanba shaqooyinka kale ee dhiggeeda ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wasaaradda caafimaadka waxa laga rabaa aqoon, shaqadeeduna way ka duwan tahay shaqooyinka kale oo qaladoodkooda waa laga soo kaban karaa, laakiin qaladka ay galaan kalkaalisooyinka, umulisooyinka ama kuwa shaybaadhka ka shaqeeyaa lagama soo kaban karo oo qof baa ku dhimanaya ama ku naafoobaya, markaa waa inaynu xoogga  saarnaa dadka ka shaqaynaya bahda caafimaadka ee magacyada badan leh, ta labaad ee bahda caafimaadka laga rabaa waa anshaxa dhakhtarka, waayo umulisada, ninka shaybaadhka haya kalkaalisooyinka iyo dhakhtarkaba waxa la siiyey oo xirfadoodu siisay wax aan qof kale oo Bani’aadam ahi qaadi Karin.”

Madaxweynuhu isaga oo si gaar ah u iftiiminaya muhiimada shaqada adag ee ay bahda caafimaadku bulshada u hayso waxa uu ku tilmaamay ma daaleyaal qaranka ka mudan qaddarin iyo ixtiraam goonni ah, “Qofka isaga oo hurda soo kac la leeyahay ee isaga oo buka oo Neeras ah la leeyahay adigu ha bukoone kaalay ka kale dawee ee iyada oo hooyo ah ka imanaysa si ay cid kale u daweyso qarankaa lagu leeyahay inuu masuuliyad iska saaro daryeelkooda, xuquuqdooda iyo karaamada ay mudan yihiin, qarankuna dawladda ay oo saddex waaxood ka kooban, laba qolona ixtiraam gaar ah bay dalka ka mudan yihiin, kuwaas oo kala ah ciidamada iyo bahda caafimaadka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu ugu baaqay dhammaanba shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo mihnadleyaasha kale ee adeeggan ku lugta leh inay si waddaniyadi ku dheehan tahay dalkooda ugu huraan aqoontooda, isla markaana ay u adkaystaan duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories