HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa shaqo ayaa kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo Saraakiil kala duwan oo ku-sugnaa Taliska Guud.

Waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyaddu warbixin la xidhidiha Amniga iyo difaaca Qaranka siiyey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga oo uu wehelinaayo Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in Ciidamada Qaranku ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo Qarankan hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, Ciidamada Qarankuna aanay ahayn kuwo loo baqo ee ay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa.

Waxaanu madaxweynuhu Ciidamada Qaranka ku bogaadiyey kuna dhiirigelinayaa dedaalka, kartida iyo adkaysiga Ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan Qarannimadooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciidamada Qaranka. Dhinaca kalena waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Qarannimada iyo shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada Qaranka.

Sidoo kale waxa uu Madaxwyenuhu kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana halkaa warbixin ku siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Waxaanu Madaxweynuhu booqday Xerada Ciidanka Birmadka ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira hawlaha degdega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu dardaaran iyo dhiirigelinba u diray ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala ah Ciidanka Qaranka Somaliland, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Ciidanka Dab-damiska oo iyagu xoog u shaqeeya marwalba, gaar ahaana wakhtigan aynu ku jirno ee Roobabka, waxaanu madaxweynuhu faray dhammaan ciidamada kala duwan inay laba jibaaraan dedaalkooda oo ay meel uga soo wada jeedaan cidii dhibaato la damacsan amniga Qaranka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories