HomeMadaxweynaha Somaliland oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Nuxurka Khudbad...

Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Nuxurka Khudbad uu Halkaas Ka Jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Saynisku ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana uu u kuur-galay hannaanka shaqo ee hawl-maalmeedka wasaaraddu u socoto.

IMG_2604Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa subaxii hore ee saaka kormeer shaqo oo kedis ah ku tegay xarunta wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta iyo haldoorka xarunta guud ee wasaaradda ka hawlgala oo uu horreeyo wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxaana madaxweynaha halkaas lagu siiyey warbixin la xidhiidha hannaanka waxbarasho ee dalka ka jira, horumarka ay wasaaraddu ku tallaabsatay iyo caqabadaha kala duwan ee ilaa haatan haysta bahda gacanta ku haysa waxbarashada dawliga ah ee dalka ka jira.

Xubno tiro badan oo kamid ah agaasime waaxeedyada kala duwan ee ka hawlgala wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska oo isaga dambeeyey warbixin ay madaxweynaha siiyeen oo la xidhiidha xaaladda waxbarashada dalka iyo caqabadaha hor taagan, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan ku tallaabsadeen qorsheyaal tiro badan oo dhinaca horumarka ah, taasna ay dhinac socoto caqabado u baahan in is-kaashi iyo isku duubni lagaga gudbo, si loo helo jawi si buuxda loogu tayeyn karo waxbarashada xukuumiga ah.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu waxbarashada qaranka u barbar taagan yahay, isla markaana diyaarka ugu yahay inuu bahda waxbarashada ula garab galo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan hor taagan ee u diiddan inay yoolkooda gaadhaan.

IMG_2544Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii hadalka la wareegay, ayaa sheegay inay qaran ahaan loo baahan yahay inay macallimiinta dugsiyada dawladda wax ka dhigtaa helaan mushahar ku filan, waxaana uu caddeeyey inuu gudo geli doono sidii lacagtaas loo heli lahaa, isaga oo bahda waxbarashadana ka codsaday inay qayb ka noqdaan xalka lagaga gudbayo caqadaha ay soo bandhigeen, waxaana uu yidhi, “Macallimiintu waxa ay u baahan tahay 24-Bilyan oo Somaliland shilling ah, si mushaharadooda kor loogu qaado,  sidii lacagtaas loo raadin lahaana waxaanu u baahannahay muddo toddobaadyo ah, bahda waxbarashadana waxa laga rabaa inay soo wareejiyaan dhaqaalaha loo baahan yahay, soona raaciyaan qorshihii lagu heli lahaa dhaqaalahaa ay u baahan yihiin.”

Madaxweynuhu uu wax laga xumaado ku tilmaamay inay tiro ahaan isku dhawaadaan jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka ka jiraa, isaga oo masuuliyiinta waxbarashada gacanta ku hayana ku canaantay ruqsadaha tirada badan ee ay siiyeen jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala, “Waxaan rajaynayaa inaad in badan wax nala saxdaan, hay’adda tacliinta sare inoo qaabilsanna waxaan leeyahay 32-jaamacadood iyo 54-secondary way is leeg yihiin, adduunyadana ma dhacdo, idinka uun baana sharciga ama oggolaanshaha bixiyey, markaa bal nooga soo jawaaba sida ay labadaasi isu daboolayaan, annaguna jiidhi mayno ogolaanshaha aad bixiseen, eeddaana idinkaa leh gari Ilaahay bay taqaannaaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bahda waxbarashada ugu bushaareeyey inay cid waliba ku qasban tahay inay qaadato siyaasadda waxbarashada ee qaranka u dejisan, isla-markaana xukuumadda uu hoggaamiyaa diyaarisay qorshe tilmaamaya hannaanka ay marayaan mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ahi dalka Somaliland ka fuliyaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Cidda Siyaasadiina iyo qorsheyaashiina ku socon weyda tacliin inooma waddee rabshad bay wadaan, annaguna waanu idinla qabanaynaa, idinkuna awooddiina isticmaala, imikana waxa aynu dhiganay qorshe Ajanabi kasta faraya inuu wasaaradda arrimaha dibadda soo maro, dabadeedna qorshaynta sii maro, taas oo wasaaraddii hawshaas ku shaqada lahayd u sii gudbin doonta, mana dhacaysao nin wax jeebka iskaga soo qaataa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories