HomeMadaxweynaha Somaliland oo Komishanka kala hadlay Kharashaadka iyo Diyaar-garowga Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland oo Komishanka kala hadlay Kharashaadka iyo Diyaar-garowga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kulan ku yeeshay qasriga madaxtooyada, waxaanay ka wada-hadleen geeddi-socodka diyaar-garowga Doorashooyinka isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiillada oo loo muddeeyey 31-ka bisha May ee Sannadkan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Guddiga Doorashooyinka kala hadlay kharashaadka ku baxay hawlaha diyaar-garowga Doorashooyinka oo intiisa badan xukuumaddu bixinayso, waxaanu ku adkeeyey sidii ay u hirgelin lahaayeen in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtiga loo cayimay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

blank
Kulanka madaxweynaha iyo Komishanka

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen qaban-qaabada iyo hirgelinta hawlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima. Iyagoo xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay, idamka Alle.

Sidoo kale waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.

Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadinyey guddida doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey. Isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga qaranku dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo dheeraada inay iska saaraan hawlahaa miisaankooda iyo culayskoodaba leh ee ay gacanta ku hayaan.

Ugu danbayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddida doorashooyinka qaranka ugu duceeyey in Alle ku asturo hawlahaa culus ee ay qaranka u hayaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxafaadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories