HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka Warbixiyey Shir uu kaga Qayb-galay Jabuuti iyo Heshiis...

Madaxweynaha Somaliland oo ka Warbixiyey Shir uu kaga Qayb-galay Jabuuti iyo Heshiis Dhexmaray Dhiggiisa Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta ku soo guryo-noqday dalka ka dib markii wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ay dalka Jabuuti kaga qeyb galeen munaasibad lagu xusayay sanad guurada 40-aad ee ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga.

madaxweynaha Madaxweyne Siilaanyo oo galabta ka soo degay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlaanka ee Wakiiladda iyo Guurtidda.

madaxweynaha (1)Madaxweynaha oo qolka nasashadda ee madaarka ugu waramayay warfidiyeenka, ayaa ka warbixiyay shirkii ay ka qeyb galeen, waxaanu yidhi “Waxaanu ka soo qab-galay shir lagu xusayay 40- guuraddii ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga oo lagu qabtay dalka Jabuuti. Xafladaasi waxay ahayd xaflad si weyn ay u yimaadeen cid allaale iyo cidii danaynaysay Af-soomaaliga. Dawladda Jabuuti ayaa marti qaadka lahayd.”

madaxweynaha (2)“Waxa halkaasi joogay Madaxweynaha dalkaa Soomaaliya iyo masuul kale oo ka socday wadankaas, waxa joogay masuuliyiin ka socday kililka shanaad Itoobiya. Waxa joogtay Haay’adda PEN ee danaysa afsoomaaliga. Waxa joogay wax allaale wixii daneeya afsoomaaliga taariikhdiisa, qoraalkiisa, hidahiisa iyo dhaqankiisa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

madaxweynaha (3)Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in xafladaasi ahayd mid si weyn loo agaasimay, “Xaflad aad u weyn ayay ahayd si qaaliya loo soo agaasimay, la iskugu yimid. Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq balaadhan uga soo jeediyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladiisa oo mar walba aad u daneynayay shirkan qabashadiisa uun ma ahee, mar walba si laxaadle u daneeya bahda u shaqeysa afsoomaaliga, dhaqankiisa iyo Hidahiisa had iyo jeer gacan weyn siiya. Waxaan jecelahay inaan mahad naq u soo jeediyo cidii ka soo qeyb gashay oo dhan. Xafladaasi si weyna waa naloogu soo dhaweeyay xaflad milgo iyo maamuus leh baa halkaasi ka dhacday,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata,  “Waxaanu halkaasi kula kulanay Madaxdii ka socotay wadanka Soomaaliya, waxa kale oo aanu kula kulanay dawlada Jabuuti oo aanu wax wanaagsan uun ka wada hadalay. Xaflad baanu u soconay oo ma jirin wax xaajood iyo wada hadal sidaasi ma aanu gelin. Laakiin salaan wanaagsan iyo inaanu nabad-gelyo ku wada noolaano iyo inaanu mustaqbalka marka ay timaado si maamuus leh u wada hadalo ayaanu ku heshiinay.”

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories