HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 18aad oo ka baxda...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 18aad oo ka baxda Jaamacadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Xafladda Qalin-jabinta dufcadii 18aad ee Jaamacada Hagreysa  oo ay ka qalin-jabiyeen 1,157-Arday oo dhamaystay kulliyadaheeda kala duwan.

Munaasibadda Qalin-jabinta oo ku qabsoontay Xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxa kale oo ka qayb-galay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, siyaasiyiin, waalidiinta Ardayda qalin-jabisay iyo marti-sharaf kale.

blankMadaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyey munaasibadda, waxa uu hambalyo u diray ardayda  kala duwan ee dhamaysatay kulliyadaha waxbarasho. waxaana uu yidhi “Waxaan hambalyeynayaa ardayda qalin-jabinaysa, waalidka kusoo tabcay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacada Hargeysa iyo Madaxdeeda oo dhan, waxaan ku hambalyeynayaa Xaflada qiimahaa leh (1,000) kun Jaamici ee maanta kusoo kordhay aqoonyahanka Somaliland ee Hambalyo”.

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in horumarka Somaliland uu ku jiro wada jirka ummadda iyo hoggaankooda waxaana uu yidhi “Walaalayaal in shaqo la helo in caafimaad la helo  in horumar la helo waxay ku xidhan tahay in talo wanaagsan la helo, talada wanaagsan ee maanta Somaliland maraysaa waxaa weeye, sannadka u danbeeyey guulaha Somaliland ay gaadhay waxa kamida inay maanta halkan wada joogaan oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan oo ay haddana is hambalyeeyaan, Axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu iyagoo walaalo ah oo midaysan oo dalka hoggaaminaaya, in badan oo jaarkeena ah ama Geeska Africa ah ayaan taa haysan murcaarid iyo muxaafid waa wada Somaliland”.

Waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay dhalinyarada inaanay ku milmin xifaaltanka siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaanu yidhi,  “Dhammaanteena waxaa laga rabaa gaar ahaan da’ayarta inaanay marmarka qaarkood xafiiltanka siyaasada ku qaldamin ee yoolkeenu ahaado Somaliland mid ah, horumarta, walaalnimo oo aan kala qoqobnayn, haddaad taariikhda dib u raacdo Somaliland markasta oo marxalad adagi ku timaado Ilaahay wuxuu waafajiyaa talada toosan,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey qaar ka mid ah Ardayda ka Qalin-jabisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories