HomeMadaxweynaha Somaliland oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Ururka Xeel-dheerayaasha Caafimaadka Ee...

Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Qabtay Ururka Xeel-dheerayaasha Caafimaadka Ee SAHA.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeys (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay ururka SAHA (Somalilander-American Health Association) oo ay ku midoobeen muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xeeldheer aqoonta caafimaadka, kuwaas oo ku dhaqan carriga Maraykanka.

Munaasibaddan oo lagu soo bandhigayey muhiimadda ay kooxdan dhakhaatiirta ahi ugu fadhiyaan guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo kaalinta ay ka qaataan xaaladaha caafimaad ee dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirka horumarinta caafimaadka, dhakhaatiirta xubnaha ka ah ururka SAHA, madax katirsan Jaamacadaha dalka, dhakhaatiir madax bannaan iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas lagu faah-faahiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ururkani dadka u hayo iyo waxyaabaha ay doonayaan inay mustaqbalka dalkooda u qabtaan.

blankUgu horrayn Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Madar iyo Dr. Maxamuud Daahir Afq-qarshe oo katirsan ururka SAHA oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ururku ka kooban yahay dhakhaatiir mutaddawiciin ah oo si iskood ah isugu abaabulay inay bulshadooda wax kala qabtaan dhinaca caafimaadka, muruqooda iyo maalkoodana kaga qaybqaadanayaan sidii iyo talo iyo tusaaleba u siin lahaayeen qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa isaguna bogaadiyey ururka SAHA, isaga oo sheegay in ururkani wax badan la qabtay wasaaradda, islamarkaana kaalin weyn ka ciyaareen caawinta iyo la tacaalista bulshadii uu asiibay cudurka COVID-19, waqtiganna ay jiraan mashaariic muhiim u ah wasaaradda iyo bahda caafimaadka oo ay ururkani gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gabagabeeyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay ururka dhakhaatiirta reer Somaliland ee ku dhaqan carriga maraykanka ee SAHA, waxana uu tilmaamay inay guteen waajib saarnaa oo ay ku gacan qabanayaan dadkooda iyo dalkoodaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu la dardaarmay xubnaha dhakhaatiirta ah ee ku bahoobay ururka SAHA, waxana uu ka codsaday inay sii wadaan dedaalka ay dalkooda ku caawinayaan, bulshadoodana ku caawinayaan.

“Waxan ka rejaynayaa inay ururkaa sii xoojiyaan, halgankaa ay ugu jiraan inay dalkooda wax taraaan oo aqoontooda uga faa’iideeyaanna sii wadaan, qarankiinnuna wuu idiin ogyahay oo wuu idiinka mahadnaqayaaye sii wada oo hawshaas inoo sii ballaadhiya,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories