HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xildhibaan...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xildhibaan Ibraahim Kacaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo katirsanaa golaha wakiillada Somaliland, isla markaana shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

 8B7A0000

 Aaska qaran ee maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), ayey ka qayb-galeen kumanyaal katirsan shacabka iyo madaxda goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxaana halkaas laga jeediyey  hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 8B7A0003

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

8B7A0006Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Ibraahim Axmed Haybe, waxaana uu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa, waxaana uu yidhi, “Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe waxa uu ahaa rag dhawr iyo soddon ahaa oo mar kasoo wada baxay Cammuud, Ilaa waqtigaana qaranka uun buu u shaqaynayey, da’da iyo taladana waanu isku soo gaadhnay oo nin oday ah buu ahaa, qof walbana wax baa lagu xasuustaaye Ibraahim Hal-adayg baa lagu xasuusanayaa, halkuu istaagona sida looga riixaa way adkayd, waxaana uu kamid ahaa dadka dhifta ah ee meeshooda ku adkaysta.”

Shir-guddoonka golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo aaska ka qayb-galay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories