HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka oo Hargeysa lagu...

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka oo Hargeysa lagu Qabtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad loogu dabbaaldegayo maalinta cuntada adduunka oo ku beegan 16-ka Bisha Tobnaad oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

blankMunaasibaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay wax-soo-saarka kala duwan ee ka soo baxa Beeraha dalka, waxana ka qayb-galay hay’adaha kala duwan ee dhinaca wax-soo- saarka ka taageera wasaaradda Horumarinta Beeraha, xubno ka mid ah beeralayda kala duwan oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka iyo masuuliyiin xukuumadda ka socota oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu liishaamayo muhiimadda ay leedahay inay bulshadu ku dedaasho beerashada iyo tacabka dhulka, si looga maarmo gacan shisheeye.

Xubno ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) oo munaasibadda hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in bulshadu xil iska saarto sidii ay tacab badan u gelin lahayd beerista dhulka ay haystaan, lana soo baxaan cuntada ay cunayaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa ku dheeraaday horumarka dhinaca wax soo saarka ah ee ay wasaaraddiisu ku tallaabsatay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay ka wasaarad ahaan hirgeliyeen mashaariic waaweyn oo kor loogu qaadayo heerka wax soo saar ee dalka, laguna yaraynayo ku tiirsanaanta dhinaca cuntada ee dunida kale.

Wasiirku waxa uu caddeeyey inay ka wasaarad ahaan meel wanaagsan marinayaan dedaalka ay ugu jiraan in shacabka reer Somaliland gacantooda kula soo baxaan cuntada ay u baahan yihiin, “Waxa noo qabsoomay inaannu ku dhiiranno annaga oo dadkana gacan ka helayna in wax soo saarka dalka kor loo qaado, maantana hubka qudha ee lagu daggaallamayaa waa cuntada, cid cuntada dibadda ku tiirsanina adduunka way yar tahay, Geeska Afrika ayeynu ku naallaa, waddan kasta oo Afrika kamid ahina waxa uu cunaa waxa uu isagu lasoo baxo, taas baannu annaguna doonaynaa annaga oo adiga garab kaa helayna inay Somaliland gaadho isku fillaansho dhinaca cuntada ah,” ayuu yidhi wasiir Axmed Muumin Seed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa wada-jir u bogaadiyey wasaaradda horumarinta Beeraha iyo bulshada ku hawllan tacabka beeraha ee u guntaday inay dhulkooda wax kala soo baxaan, waxana uu yidhi, “Waxa aan bogaadinayaa beeraleyda beeraha ka shaqaysa oo baaqayagii ugu horreeyey ahaa aynnu wax soo saarno waxtarkoodii iyo qodaalkoodii ku dhiirraday dhammaan gobollada oo dhan oo kor u qaaday wax soo saarkii beeraha, in badannina imika ku hawllan tahay inaanu taladaas wada qaadannay oo aannu hawshaas wada galnay oo aynnu u diyaar garowno inaynu cuntadeenna inagu soo saarno oo aynnu yarayno ku-tiirsanaanta dalalka shisheeyaha ah.

Madaxweynuhu waxa hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in ganacsatada iyo dadka hantida haya looga rabo inay xukuumadda kala qayb-qaataan horumarinta dalka iyo hirgelinta danta guud, maadaama oo ay gacanta ku hayaan 80% hantida taalla Somaliland.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories