HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Xuska 28-guurada Ciidanka Booliska oo Sannadkan ka...

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Xuska 28-guurada Ciidanka Booliska oo Sannadkan ka duwan kuwii hore

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska ciidanka Booliska oo lagu qabtay xarunta guud ee taliska Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, madaxweyne-ku-xigeenno hore, qaar kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, hoggaanka xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, taliyayaasha Booliska ee dalka Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida, qaar kamid ah la-taliyayaasha madaxweynaha qaranka, saraakiil kala duwan oo katirsan xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana munaasibadda si weyn diiradda loogu saaray muhiimadda ay ciidanka Boolisku u leeyihiin qaranka.

blankUgu horrayn waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masrixiyad ka hadlaysay kaalinta ay ciidanka Booliku ugu jiraan nolosha bulshada iyo horumarka qaranka, waxana ay fannaaniinta ciidanka Boolisku halkaas ku muujiyeen sida ay ciidanka Boolisku u yihiin kuwa lagu ledo ee masuulka ka ah xasilloonida iyo nabadda dalka.

Taliyaha hawlgelinta Mudane Ibraahim Cabdi Xaaji Nuur oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay tirada dambiyadii dalka ka dhacay sannadkan, dedaallada ay Boolisku geliyeen inay gacanta kusoo dhigaan dhammaanba dadkii dambiilayaasha ahaa iyo muhiimadda ay siinayaan inay xasilloonida iyo amniga bulshada ilaaliyaan.

Taliyayaasha ciidamada Booliska ee dalka Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay u rajeeyeen guul iyo horumar, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay wax badan oo xambiyada ah iska kaashadaan ciidanka Booliska Somaliland.

blank
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo munaasibadda khudbad ballaadhan ka jeediyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay sida uu taliye ahaan xilka isaga saaray sidii loo dhisi lahaa kalsoonida wada-shaqaynta iyo ciidanka shacabka ka dhaxaysa, islamarkaana si weyn dib ugu habeeyeen ciidanka Booliska, kuna soo dareen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo la tallaabsata Tignoolajiyadda casriga ah, kuwaas oo khubaro ku ah hababka casriga ah ee dambiyada kala duwan maanta loo fuliyo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta la xusay sannad-guuradii 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskooda, waxana uu caddeeyey inay xukuumaddu u hagarbaxday ciidanka Booliska, maadaama oo ay yihiin furaha dhismaha nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xuska ah soo Afmeeray, ayaa hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskooda, waxana uu ku tilmaamay naf-hureyaal dhiirran oo qarankooda u huray naftooda, maalkooda, muruqooda iyo maalkoodaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay dhibaatada ay shacabku ku hayaan ciidankii iyaga ilaalintooda u taagnaa, in badan oo shaqo qaran ku jirteyna dano gaar ahaaneed loo laayey, isaga oo soo jeediyey in arrintaasi u baahan tahay wax ka qabasho degdeg ah.

blank
Taliyaha Guud ee Ciidanka Liyuu Boolliska Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia Maxamed Cabdi Mawsar.

“Waxaynu hambalyeynaynaa ciidanka Booliska, in sannadkaa sannadkiisa ay ku gaadhaan Barwaaqo iyo bashbash, waxana ay inoo tilmaameen dhibaatada ugu weyn ee haysataa inay tahay dilal badan oo ciidanka loo geystay iyaga oo ka shaqaynaya danta qaranka, taas oo u baahan inaynu qaran ahaan ka halgalno sidii aynu u yarayn lahayn dadka qaldan ee dagaal dantooda ah kala hor imanaya ciidanka Booliska, waana arrin culayskeeda leh,” ayuu yidhi madxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

blank
Taliyaha Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti Korneyl Cabdilaahi Cabdi Faarax

Xuska sannad-guurada 28aad ee Ciidanka Booliska Somaliland, waxa sannadkan ku cusub inay ka soo qayb-galeen oo lagu marti-qaaday Taliyaha Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti Korneyl Cabdilaahi Cabdi Faarax iyo Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia Maxamed Cabdi Mawsar.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories