HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta 341 Arday Oo ka Aflaxay...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta 341 Arday Oo ka Aflaxay Edna Adan University

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey 341 Arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Edna Aadan ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda qalinjebinta oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, safiirro, hormuudka kala duwan ee jaamacadda Edna, macallimiinta Ardayda maanta qalinjebisay iyo waalidiintooda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha laga soo jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta cilmiga baratay laguna hogo-tusaalaynayo sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba ugaga faa’iidayn lahaayeen aqoontooda.

blankMustafe Xasan Daahir oo ku hadlayey magaca maamulka Jaamacadda Edna oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay madaxweynaha qaranka iyo masuuliyiinta kala duwan ee munaasibadda ka qaybgashay, waxana uu bogaadiyey Ardayda maanta qalinjebisay oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Haboon Abubakor Qalinle oo ku hadashay magaca Ardayda maanta qalinjebisay, ayaa ku dheeraatay dedaalkii ay Arday ahaan naftooda geliyeen sidii ay halkan usoo gaadhi lahaayeen, iyada oo u mahadnaqday waalintoodii, macallimiintii wax soo bartay iyo dhammaanba madaxda qaranka ee maanta munaasibadda farxaddooda kala qaybgalay.

Aasaasaha, ahna madaxweynaha jaamacadda Edna, Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo halkaas khudbad dheer ka jeedisay, ayaa si qoto dheer u sharraxday dedaalka iyo naf-hurnimada ay jaamacad ahaan geliyeen geliyeen Ardayda maanta qalinjebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqday inay kalsooni badan ku qabto aqoonta Ardayda, islamarkaana ay yihiin kuwo isbeddel muuqda bulshadooda ugu horseedi kara bulshadooda, iyadoo ku adkaysay inay noqdaan kuwo qarankooda ilaashada oo feejigan.

Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu ku waaniyey inay dedaalkooda waxbarasho sii labanlaabaan, maankana ku hayaan in mustaqbalkii dalkooda iyo koodiiba uu gacantooda ku jiro.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa isaguna bogaadiyey Ardayda qalinjebisay, waxana ku adkeeyey inay yareeyaan ku tiirsanaanta dadka kale, naftooda horumariyaan, aqoonta ay barteenna ku shaqo tagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay Ardayda qalinjebisay, ayaa si kal iyo laab ah u hambalyeeyey Ardayda, waalidintooda iyo macallimiintii ku tacabtay, waxana uu kula dardaarmay inay muujiyaan midhaha tacabkii la geliyey, kaalintoodana ka qaataan horumarka qarankooda.

Madaxweynuhu waxa uu quruxda Ardayda qalinjabisay ku tilmaamay mid qaranku ku faani karo, isaga oo bogaadiyey cid kasta oo kaalin ka qaadatay inay kaalintan soo gaadhaan, gaar ahaan Marwo Edna Aadan oo dedaalkaas ku suntan, “Hambalyo inta qalinjebisay maanta, Hambalyo waalidiinta kusoo tabcay, hambalyo shaqaalaha iyo madaxda jaamacadda, hambalyo wasaaradda Waxbarashada, si gaar ah hambalyo Dr. Edna Aadan Ismaaciil, hambalyo dhammaan qaranka Somaliland ee ay maanta usoo baxeen intan oo mutacallimiin ahi.” Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahadooyin iyo abaalmarinno kala duwan ku guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha hore ka gashay kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu ka kooban tahay, kuwaas oo bartay qaybaha kala duwan ee caafimaadka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories