HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Sannad-guurada 27aad Ee Aasaaska Ciidanka Booliska

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Sannad-guurada 27aad Ee Aasaaska Ciidanka Booliska

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad loo qabtay sannad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska 27-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, qaar kamid ah madaxda hay’adaha gacansaarka la leh ciidanka Booliska, Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya Aas-aaskii ciidanka Booliska iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan taabbo-gelinta amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka.

blankUgu horrayn ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu horrayn shacabka la wadaagay dambiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadii dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa isaguna ku dheeraaday horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday ciidanka Boolisku ee dhinacyada tababarka, gaadiidka iyo helitaanka agabyada kale ee muhiimka ah u ah shaqada ay bulshada ugu igman yihiin, isaga oo carrabka ku adkeeyey inay ciidan ahaan samaysteen qorshe iyo yool cad oo ay ku gaadhayaan abbaarta u astaysan ee ay higsanayaan muddooyinka soo socda.

blankTaliyuhu waxa uu sheegay inay ka hoggaan ahaan muhiimad gaar ah siiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ciidanka ee dhinaca la shaqaynta shacabka iyo isku xidhnaantooda, islamarkaana ay aqoonta baadhayaasha iyo midda taliyayaasha saldhigyadaba dhiseen, dib-u-habayn ballaadhanna sameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen waax gaar u ah cabashooyinka dadweynaha si la isugu soo dhaweeyo shacabka iyo booliska.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda xuska sannad-guuradooda, waxana uu si qoto dheer u sharraxay kaalinta ay boolisku kaga jiraan kaga jiraan amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka bulshada, waxana uu bulshada ugu baaqay inay ciidanka la shaqeeyaan, isaga oo shaqada ay boolisku dadka u hayaanna bogaadiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidanka Booliska hallala shaqeeyo, hana laga daayo dacwadda laga barbar wado, ciidanka Booliskana waxan faraynaa shaqada in lasii kordhiyo, shaqaduna waa joogto, taasaana ciidan loo yahay, aad iyo aadna waan ugaga mahadnaqayaa sida ay hawlahoodii uga soo baxeen.”

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa ciidanka Booliska hambalyo guud u diray, waxana uu sheegay inay qaran ahaan og yihiin hawsha adag ee ay bulshada u hayaan, taas oo inta badan ay kasoo gaadho khasaare naftooda halis geliyaa, waxana uu yidhi, “Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ciidanka Booliska, janannadooda, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeenka, alifleyda, dablayda, iyo xaasadkoodaba, qaran ahaanna waannu uga mahadnaqaynaa hawsha ay noo hayaan, waana ciidan maalin walba iyo saacad walba hawl aan loo ogayn ku jira, dhaawacooda iyo dhimashadooduna badan tahay, qaran ahaanna waannu garab taagannahay.”

blankUgu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu billado dahab ah iyo derejooyin ku taxay qaar kamid ah saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska, kuwaas oo shaqo-wanaag iyo hawl-karnimo muujiyey muddadii ay ciidanka kamid ahaayeen, waxana uu kormeeray gaadiid iyo dhismeyaal kala duwan oo ciidanka Booliska usoo kordhay, isaga oo xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo loo bineeyey saraakiisha ciidanka Booliska.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories