HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Munaasibad loo Sameeyey Dufcaddii 10 ee ka...

Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Munaasibad loo Sameeyey Dufcaddii 10 ee ka Qalinjabisa Jaamacadda Hargeysa (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad balaadhan oo ay ku qalin-jabinayeen dufcadii 10-aad ee ka aflaxday jaamacadda Hargeysa oo tiradoodu dhamayd 744 arday oo wax ka bartay sagaal kuliyadood oo kala duwan.

Xafladii loo sameeyay qalinjabinta ardaydaas waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, xisbiyadda qaranka, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Dr. Cabdi Xuseen Gaas ayaa hadal uu munaasabadaas ka jeediyey waxa uu faahfaahiyey marxaladihii ay jaamacaddui soo martay guulihii ay gaadhay, caqabadihii ka hor yimid ee ay ka talaabsatay iyo himilada ay mustaqbalka ay hiigsanayso. Isagoo tilmaamay in ardayda maanta qalin jebuinaysaa ay tiradoodu gaadhayso Todoba boqol, afar iyo afartan arday oo wax ku bartay sagaal kuliyadood oo jaamacaddu leedahay.

IMG_0279Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaa hadal ka jeedisay ayaa hambalyo u dirtay ardayda qalin jebisay, waxana ay sheegtay in xukuumad ahaan ay garab taagan yihiin ardayda sanad walba waxbarashadooda ku dhamaysanaya jaamacadaha dalka.

Wasiirka waxbarashadu waxa ay xafladaasi ka ballanqaaday inay xukuumaddu shaqaalaysiin doonto ardayda sanadkan ka qalin-jebinaysa jaamacadaha dalka, halka sidoo kalena ay kula dardaarantay ardayda inay sii wadaan aqoontooda isla markaana ay awoodooda saaraan dhinaca farsamada gacanta.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo sidoo kale xubin ka ah boodhka sare ee jaamacadda Hargaysa, ayaa sheegay in ardaydani ay yihiin mustaqbalkii dalka waxana uu u soo jeediyey ardayda inay ilaashadaan waddaniyadooda kana fogaadaan dhibaatooyinka ay leedahaya aafada tahriibtu. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal uu ka jeediyay xafladaasi waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Hargeysa ee juhdiga geliyay inay arday tiradaas leeg ay soo saaraan.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku dhiirigeliyay inay sii wataan waxbarashadooda, waxaanu tilmaamay inay dhalinyaradu tahay jiilka dalka xukumi doona mustaqbalka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories