HomeMadaxweynaha Somaliland Oo ka Qayb-galay munaasibad loo sameeyey 411 Arday oo ka...

Madaxweynaha Somaliland Oo ka Qayb-galay munaasibad loo sameeyey 411 Arday oo ka Qalin-jabiyay Jamacadda ADMAS + SAWIRRO

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyinkoodii gudoon siiyay 415 arday oo ka qalin jabiyay jaamacadda ADMAS ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo wax ka bartay shan kuliyadood oo lagu dhigto jaamacadda.

Xafladii qalin-jabinta dufcadii shanaad ee Jaamacadda ADMAS oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa. Waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, aqoon yahano iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu horayn bogaadiyay ardayda qalin-jabisay oo uu ku tilmaamay kuwo aqoon u soo kordhin kara dalka, waxaanu yidhi “Waxa sharaf weyn ii ah inaan ka soo qeyb gallo xafladanqiimaha iyo qaayaya leh oo intaas oo arday ah oo dalka wax ku baratay oo dalka wax u baratay ay maanta ku qalin-jabisay waxaanan rajaynayaa inay noqdaan qaar dalka iyo ummaddaba anfaca. Marka u horraysa waxaan idiin soo jeedinayaa hambalyo, ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu idinka dhigo kuwii dalka iyo dadkaba anfaca ee waxtara dalka.”

“Waxaan idiin rajaynayaa inaad fursad u heshaan oo aad wax-qabataan, idinka oo ah Hoggaamiyeyaashii mustaqbalka dalka. Waxaan hambalyo iyo ammaan aad u balaadhan-ba u dirayaa macalimiintii, maamulkii iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba waxbarashadiina,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dadku waxay wax u bartaan in aqooni ummadda u kordho, waa waxtar iyo aqoon dadka u kordha, waa midhihii iyo maskaxdii fikirka dhalin lahaa dhinac kasta oo horumarka dalka ah, haddii ay tahay xaga farsamo iyo dhakhtarada dhinac kastaba waxaad ka mid tihiin kuwii dalka hoggaamin lahaa.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay inay si joogto ah u dhiiri-geliso taabo-gelin iyo kor u qaadista waxbarashadda dalka, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland waxay balan-qaadaysaa, horena uga muuqatay inay dhiiri-gelinayso waxbarashadda dalka, si ay dhalinyaradeenu u noqdaan qaar dalka iyo dadkaba anfaca oo aan haajirin oo aan badda isku tuurin oo aanay noqon qaar tuugo iyo xumaan u dhaqaaqa.

Maskaxdiina, ra’yigiina iyo hogaamintiina ayaanu sugaynaa inshaalaahu tacaalaa. Waxaanan ILAAHAY ka baryaynaa inuu dhammaanteen innaga dhigo kuwii guulaysta. Waxaanan mar labaad hambalyo u dirayaa maamulkii iyo macalimiintii jaamacadan aad ka qalin-jabiseen.”

 

Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS qeybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil oo ka hadlay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda ka qalin jabisay jaamacadda ADMAS, waxaanu tilmaamay in ducfadan oo ahayd tii shanaad ee ka baxda jaamacadda ay wax ka barteen kulliyaddaha Ganacsiga, Maamulka iyo Maareynta, IT-ga iyo kuwo kaleba.

Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS waxa uu sheegay in ardaydani ay dedaal badan sameeyeen mudadii ay waxbaranayeen. “Jaamacadda ADMAS waa Jaamacad leh tayo iyo waxbarasho lagu soo hiran karo maantana waxaan u fadhinaa daadihinta dufcaddii 5aad ee ka qalib jabisay Jaamacadda Admas,” ayuu yidhi Gudoomiye Ixsaan Cumar.

Waxa isaguna xafladaas ka hadlay maamulaha guud ee Jaamacadaha ADMAS Mr Molla Tsegaye oo ka yimid Magaaladda Addis Ababa, waxaanu sheegay inuu ka maamul ahaan ku faraxsan yahay inuu illaa halkaa uga yimid sidii uu ardayda ula wadaagi lahaa farxadda qalinjabintooda. “Waxaan maanta Aad iyo Aad ugu faraxan nahay inaan idin kala soo qaybgalo faraxadda qalinjabintiina oo ahmiyad weyn inoo wada leh dhammaanteen,” ayuu yidhi maamulaha guud ee Jaamacadaha Admas Mr Molla Tsegaye.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay aasaasaha jaamacadda ADMAS faraceeda Hargeysa Cadnaan Daahir Axmed iyo Wasiirul dawlaha wasaaradda waxbarashadda Somaliland kuwaasi oo ka hadlay ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay bulshadda isla markaana hambalyo u diray ardayda qalin jabisay.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories