HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Loo Qabtay Dufcadii 13-aad Ee Ka...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Loo Qabtay Dufcadii 13-aad Ee Ka Qalin-jabisay Jaamacada Hargeysa (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka qaybgalay Xaflada qalinjebinta Jaamacada Hargeysa oo ay maanta 04/09/2016, ka qalinjebiyeen dufcadii 13aad ee wax ka barata sanadihii u dambeeyey, ardayaasoo tiradoodu dhamayd 862, kana qalinjebiyey kulliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadu.

14141872_1043819529065233_3121155874720633399_n

Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysay waxbarashadii Jaamacada ee uu madaxweynuhu ka qaybgalay ayaa markii uu soo gaadhay xayn daabka Jaamacada oo ay ku sugnaayeen waalidiin iyo dadweyne tiro badan oo halkaasi ku sugayey inay arkaan ubadkii ay mudada ku soo tabcayeen maantana dhamaystay aqoonta heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacada (Degree), waxaanay sacab iyo sawaxan ku qaabileen Madaxweynaha qaran oo ay wehelinayeen masuuliyiin kala duwan kana mid ahaa gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan ciidanka Bonboyda oo halkaasi ku sugnaa, ka dibna madaxweynuhu waxa uu u gudbay hoolkii ay ka socotay xaflada qalinjebintu.

14222314_1043820702398449_2630875689746675237_n

Markii uu mdaxweynuhu halkaasi gaadhay waxa si toosa loo gudo galay ujeedada munaasibada waxaana hadalo halkaa ka jeediyey, Maamulka Jaamacada, macalimiinta, xubno ka mida waalidiinta iyo gudida sare ee jaamacada hargeysa, waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiinta xisbiyada qaranka oo ay ka joogeen Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye Muuse Biixi iyo Waddani oo isna uu u hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaji Cali Axmed, Wasiiru-dawlaha waxbarashada Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka, madaama oo uu hawlo shaqo ku maqnaa wasiirkii wasaaradda waxbarashadu, dhamaantoodna masuuliyiintaasi waxay ardayda u jeediyeen khudbado ay ugu hambalyeynayeen xaflada qalinjebinta awgeed.

14203340_1043821949064991_801284775867734656_n

Madaxweynaha Somaliland oo gunaanadkii munaasibada khudbad u jeediyey ardayda qalinjebisay ayaa yidhi “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo xaflada qalinjebinta Ardayda maanta ka baxday Jaamacada Hargeysa University, waa arrin aad iyo aad u weyn, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa Ardyda, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladdeenu ku dedaalayso weeye, waxyaalaha ugu waa weyn ee qarankani u baahan yahay weeye, waxyaabaha horumarkeena iyo horu-socodka, dadkeenna iyo dalkeenna anfacaya weeye, aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa oon idinku hambalyeynayaa insha Allaa halkaana waynu ugala sii dhawaan doonaa ee dadaalkiina ha ka caajisina”.

14192549_1043822595731593_6458478296334577268_n

Madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay faculty-gii ay dhigan jireen iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey Jaamacada Hargeysa University, Waxa xusid mudan oo uu madaxweynuhu shahaado sharaf ay maamulka jaamacada Hargeysi u garteen uu madaxweynuhu gudoonsiiyey ardaygii ugu dedaalka badnaa jaamacada oo ahaa arday aanu laxaadkiisu dhamayn balse kaalin muhiima ka ciyaaray sidii uu ula tartami lahaa ardaydaa uu ka midka ahaa kana qalinjebiyey maanta jaamacada Hargeysa. Waxa isna Shahaadada PHD, la gudoonsiiyey oo ay ku maamuustay Jaamacada Hargeysa University, Odayga Qaranka Somaliland ugu da’a weyn Xildhibaan, Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ay ku qiimeeyeen, doorka muuqda ee uu ku leeyahay xaajigu arrimaha nabadaynta iyo waayo aragnimada uu marwalba ku xaliyo xaaladaha la soo dersa dalka, isla markaanu uu madaxweynuhu gudoonsiiyey xaajiga.

14192176_1043817775732075_7042373071716583117_n

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeer ku soo maray, xadhigana ka jaray qaybo cusub oo lagu soo daray Jaamacada Hargeysa University.14233030_1043819672398552_8028347525872162491_n

 

14199689_1043819772398542_4243434115541410046_n 14203340_1043821949064991_801284775867734656_n 14224738_1043820575731795_5663543917921453016_n 14232545_1043820019065184_8917308323126308665_n 14233030_1043819672398552_8028347525872162491_n 14237691_1043820222398497_7009030814455063247_n 14238100_1043817965732056_4312604089872081325_n 14264822_1043820115731841_2666998152419590746_n 14265055_1043818145732038_1539777967788060740_n

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories