HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Qoys Afar...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Qoys Afar Qof ah Dhismaha Gurigoodu ku dumay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey qoys Afar ka koobnaa oo kala ahaa Aabo, Hooyo  xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen ka kooban oo uu xalay kusoo dumay gurigii ay jaar la’ahaayeen.

blankMadaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Badhasaabka iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo xildhibaano ayaa Aaska qaran loogu sameeyey qoyska ka kooban Afarta qof kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo jinaasada ku sugnaa, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu baroor-diiqayo masiibada qoyskaas ku dhacday iyo dareenka heer qaran ee lagu sagootiyey.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadallo kooban ka jeediyey Aaska loo sameeyey qoyska xalay geeriyooday, ayaa marxuumiinta geeriyooaday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  muujiyey culayska masiibada qoyskaas ku habsatay, isaga oo xusay in qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay marxuumiintaas isku qoyska ahi ka baxeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waa geeri culus qoys dhan oo iyaga oo hurda masiibo ku habsatay iyaga oo aanay cidina ka bixin, waase Ilaahay qaddarkii, waana waxyaabaha lagu cibro qaato, Ilaahayna dhammaantood ha u wada naxariisto, qoyskii iyo  reerkii ay ka baxeenna Ilaahay waxan uga rajaynayaa cawil khayr qaba. Qaran ahaan aad baannu idiinka tacsiyadaynayaa, naxdintaana waa la idin la qaybsanayaa, waana masiibo qaran.”

Qoyska maanta Aaska qaran loo sameeyey oo afar qof ka koobnaa, ayaa si wadar ah loo xabaalay, waxana ay ifka kaga tageen oo isagu masiibadaa ka badbaaday wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday dhaleen, kaas oo ku maqnaa guryaha ehellada.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan, isaga oo wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories