HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Suldaan...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo badhtamaha caasimadda Hargeysa loogu sameeyey suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ahaa salaadiinta faca weyn, kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

blankAaska qaran ee loo sameeyey marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka dhacay xabaalo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay hore ugu Aasnaayeen waalidiintiisii, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay badiba madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, garaaddo iyo madax-dhaqameed ka socday dalalka deriska ah, hoggaanka axsaabta qaranka, siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahan, haldoor kala duwan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Somaliland, waxana si wada-jir ah loogu duceeyey suldaanka geeriyooday.

blankMadaxweynuhu waxa uu suldaanka geeriyooday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, isaga oo sidoo kalena wiilkii curad ee marxuumka isla maantana loo caleemo saaray suldaannimona ugu duceeyey inuu hawsha suldaannimo u fududeeyo, “Ilaahay ha u naxariisto suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo aynnu maanta halkan uga ducaynaynaa inankiisii oo maanta isagana loo caleemo saaray suldaan, isagana Ilaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa fiidkii hore ee xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxana uu hormuud u ahaa madaxda dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xilka suldaannimona soo hayey muddo ku siman 45-sannadood.

blankSuldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ka soo jeeday saldanad guun ah oo abtirsatay, soona unkantay dabayaaqada qarnigii 16-aad. Waa saldannada ugu faca-weyn guud ahaan beelaha Isaaqa, iyadoo marka tirsiga laga soo bilaabo Odaygii la odhan Cabdi Ciise oo loo cumaamay inuu noqdo Chief caaqilka guud intii u dhexaysay sannadihii 1680 ilaa 1750. Marka laga hadlayo xil-dhaqameedka suldaannimo waxa ay ka soo bilaabmaysaa Suldaan Guuleed Chief Caaqil Cabdi Ciise, kaasoo cumaamadda saldannada hayey muddadii u dhexaysay 1750 ilaa 1808, sidaas ayaana loogu bixiyey Guleid Dynasty.

blank
Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir (Suldaanka Cusub ee la caleemo-saaray)

Wixii intaas ka dambeeyey saldannadu waxa ay u soo kala gudubtay ilaa sagaal fac oo uu u dambeeyey Allaah ha u naxariisatee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Caasimadda Hargeysa ku geeriyooday maanta oo ah maalin Jimce ah, taariikhduna tahay 12 February 2021, isagoo cummaamadda saldannada beesha Ciidan-gale hayey laga soo bilaabo 1975 ilaa 2021, waxaanna halkaas ka sii socon doonta faca saldannada dhaxaltooyada ah ee ugu faca weyn beelaha Isaaqa.

Saldanadda Ciidagale waa saldanad fac weyn oo magac, sumcad iyo qaddarin badan ku dhex leh bulshada Soomaalida, geesta kalena waa saldanad taariikhi ah oo laga yaqaan meelo ka baxsan dhulka Soomaalida, gaar ahaan Boqortooyada UK, maadaama oo uu Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye oo xilkan hayey intii u dhexaysay 1939 ilaa 1967 uu ka mid ahaa madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiintii doorka weyn ku lahaa in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu xornimada ka qaato Boqortooyada Ingiriiska, kuwaasoo safar ku tegay magaalada London, si ay u soo saxeexaan madaxbannaanida Somaliland ay heshay 26 June 1960.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank
default

blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories