HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Aadan...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Aadan Yuusuf Abokor

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Dr Aadan Yuusuf Abokor oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Allah ha u naxariistee Marxuum Dr Aadan Yuusuf Abokor ayaa kamid ahaa halgamayaashii ibo-furay ururkii dhallinyarada ahaa ee ka dhiidhiyey dhibaatadii iyo tacaddigii uu taliskii Siyaad Barre kula kacay bulshada ku dhaqan Somaliland ee UFFO.

blankAaska qaran ee marxuum Aadan Yuusuf Abokor oo ka dhacay deegaanka Toon ee Koonfurta caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada, madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimaa’udiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, waxana lagu dheeraaday taariikhdii guunka ahayd ee marxuumka iyo kaalintii cuddoonayd ee uu ku lahaa halgankii dib-u-xoraynta dalka.

Madaxweynaha, ayaa salaad jinaaso ah oo marxuumka lagu tukaday kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo Aaska ka qaybgalay, waxana intaas kaddib taariikhda marxuumka kelmedo kooban ka yidhi guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah saaxiibadii gaarka ahaa ee marxuumka, siyaasiyiin iyo ganacsato, kuwaas oo ku dheeraaday doorkii shariifka ahaa ee uu kaga jirey horumarinta iyo dhismaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa tacsi u u diray ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuum Aadan Yuusuf Abokor, waxana uu si qoto dheer uga sheekeeyey kaalintii uu ku lahaa halgankii lagaga dhiidhiyey taliskii Siyaad Barre iyo sidii uu mar kasta tusaalaha ugu ahaa wanaagga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Addoon ka shaqayn jirey samaha iyo isu soo dhaweynta dadka, una dabranaa wanaagga iyo danta guud, “Ninkaasi wuxuu ahaa addoon Ilaahay nabadda iyo dadka isu soo dhaweyntooda iyo wanaagga u diray, intii uu joogay soddonkii sano ee dambe wuxuu ka shaqaynayey samo-falka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

blank
default

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories