HomeMadaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Marxuum...

Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee Caasimada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo Khamiistii shalay geeriyooday.

Aaska Qaran ee loo sameeyey marxuumka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, wufuud ka kala socota dalka Jabbuuti iyo dawlad-deegaanka Soomaalida, siyaasiyiin, abwaanno, fannaaniin, qoraayo, ganacsato, madax-dhaqameed iyo boqollaal kamid shacab iyo madax isugu jira haldoorka bulshada, kuwaas oo si weyn uga murugaysnaa geerida abwaanka.

Ugu horrayn qaar kamid ah abwaanniiniintii ay isku xirfadda ahaayeen marxuumka, waqtigana soo wada qaateen oo ay kamid yihiin, abwaan Siciid Saalax Axmed, abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey), xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, horumarinta Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey Aaska qaran, ayaa si qoto u sharraxay kaalintii uu marxuumku ugu jirey guud ahaanba bulshada Soomaalida, sidii qiimaha iyo farshaxannimada lahayd ee uu u hogo-tusaalayn jirey iyo sidii uu u ahaa muunad astaan u ah wanaagga iyo difaaca xaqa.

Xubno ku hadlayey magaca wufuudda Aaska qaran kasoo qaybgashay ee ka timi dalka Jabbuuti iyo Ismaamulka Soomaalida oo halkaas ka hadlay, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Abwaanka dhammaanba ehelladii iyo ummadda Afka Soomaaliga ku hadashaba, waxana ay marxuumka Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.
Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna tacsi u diray ehelka, asxaabta iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Hadraawi, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey aan beddelkiisa la helin Karin oo bulshadiisa wax badan kusoo kordhiyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Hadraawi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, asxaabta, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu marxuumku ka baxay, waxana uu ku dheeraaday shaqsiyaddii marxuumka iyo dedaalladii taariikhiga ahaa ee uu geliyey danta guud ee bulshada iyo sidii uu wanaagga tusaalaha ugu ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu marxuumku ahaa qaamuus aan qof kasta noloshiisa ka maqnaan karin oo loo adeegsado kaalmaha kala duwan ee nolosha, “Hadraawi qof kasta oo Af soomaali ku hadlaba waxan is leeyahay naftiisa ayuu kala hadlay, qof kasta oo qoys kastabana kamid buu ahaa, labada walaalaha ah, waalidka iyo labada is qabaa mid waliba murtida Hadraawi dhinaciisa ayuu ka isticmaalayey,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories