HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Saax-dheer, Kana Jawaabay Qaylo-dhaan Faro-gelin xambaarsan...

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Xaaladda Saax-dheer, Kana Jawaabay Qaylo-dhaan Faro-gelin xambaarsan oo ka soo yeedhay UN-ka, EU-da iyo Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay tallaabada Ciidamada Qaranka Somaliland subaxnimadii Khamiista ee dorraad kula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool, taas oo Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub ku tilmaameen farogelin Somaliland ku samaysay deegaan aan dhulkeeda ahayn.

siilaanyoCiidamada Qaranka Somaliland, ayaa subaxnimadii hore ee maalintii Khamiista hawl-gal milatari ka fuliyey magaaalada Saax-dheer oo muddooyinkii u dambeeyey fadhiisin u ahayd Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa, halkaas oo la doonayey in munaasibad caleemo-saar loogu qabto hoggaamiye Cali Khaliif oo shir-beeleed magaaladaas ka dhacay loogu doortay hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Danjiraha Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, ayaa Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Saax-dheer isla markaana arrimaha gun-dhigga u ah khilaafka dagaalka sababay lagu dhammaytiro wada-xaajood nabadeed oo dhexmara Somaliland iyo Kooxda Cali Khaliif.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxa sheegay in ciidamada Qaranka Somaliland oo fulinaya amarkiisa ay ku guulaysteen gacanta ku dhigista magaalada Saax-dheer oo ku taala xuduuudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in gacan-ku-haynta ciidamada Somaliland ee magaaladaasi ay fursad u siinayso shacabka ku dhaqan deegaankaas inay dawladda Somaliland ka helaan adeegyada aasaasiga ee horumarinta arrimaha bulshada.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo xalay lagu baahiyey bogga uu Madaxweynuhu ku leeyahay barta twitter-ka, kaas oo u qornaa sidan:- “Ciidammada Qaranka Somaliland oo u hoggaansan amarkayga, waxa ay si nabadgelyo leh gacanta ugu dhigeen ammaanka magaalada (Saax-dheer) Xuduudka ku taala. Dawladdu waxay immika awooddaa inay u fidiso adeegyo aasaasiga ah,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka xalay lagu baahiyey bogga twitter-ka ee madaxweyne Siilaanyo oo uu ugu iftiimiyey in ujeeddada ciidamada Qaranku ula wareegeen magaaladaasi tahay mid xukuumaddu ku hananayso ammaanka iyo xasiloonida xuduudaha dalka isla markaana lagu gaadhsiinayo shacabka deegaankaas wax-qabadyada iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay xukuumadda ugu talo-gashay.

Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay xalay tallaabada ciidamada Somaliland ka qaadeen malleeshiyaadka Cali Khaliif Galeydh, ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii war-saxaafadeed ay si wada-jir ah shalay gelinkii dambe magaalada Nairobi uga soo saareen Danjireyaasha Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanay ku baaqeen inay Somaliland ciidamada kala baxdo deegaanka Saax-dheer ee shalay dagaalku ka dhacay, kaas oo u muuqda faro-gelin ay ula badheedheen Qaranimada Somaliland maadaama oo deegaanka Ciidamada tageen ka tirsan yahay dhulka Somaliland.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Danjiraha Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, waxa ay kaga dhawaajiyeen sida ay uga walaacsan yihiin dagaalka ka dhacday magaalada Saax-dheer.

“Waxaanu ku baaqaynaa in si deg-deg ah ciidamada looga saaro Saaxdheer, maxaasta la hayona si deg-deg ah loo sii daayo. Waxaanu dhinacyada ku boorrinaynaa inay ka waantoobaan rabshado dhaca isla markaana ay qaadaan dedaallo lagu xallinayo kala-fogaanshiyaha iyada oo loo marayo wada-hadal nabadeed. Dhammaan dhinacyadu waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinaya doonis dhab ah oo ku aaddan abuuritaanka xaalad muhiim u ah deggenaansho ka dhaca gobolka,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Danjireyaasha QM, EU-da iyo USA u qaabilsan Soomaaliya.

Hawl-galka Milatari ee Ciidamada Qaranka Somaliland kula wareegeen magaalada Saax-dheer, ayaa ahaa mid lagaga hortagayey caleemo-saar magaaladaas loogu samaynayey Cali Khaliif Galaydh oo markii ay xabaddu bilaabantay isaga iyo xubno kale ay firxadkii kaga talaabeen Xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya.

Dagaalkan waxa dhinaca ciidamada Somaliland kaga geeriyooday laba askari halka laba kalena kaga dhaawacmeen sida uu sheegay taliyaha ciidanka Qaranka, halka dhinaca kale tirada dhismaha lagu sheegay tobaneeyo qof iyo gdhaawac gaadhay 6 qof oo tirsanaa maleeshiyo-beeleedka Cali Khaliif. Sidoo kale waxa ay ciidamadu dagaalka ku qabteen gaadiidka dagaalka iyo kuwa shacabka halka sagaal qof oo laba mid ah yihiin xildhibaanno ka tirsan dawladda Soomaaliya Maxbuus ah loo qabtay, kuwaas oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco.

Dhinaca kale, waxa habeen hore magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya safar aan hore loo shaacin ku tagay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo dawladda Itoobiya kala xaajoonaya arrimo la xidhiidha ammaanka xuduudaha laba waddan, ka dib markii Cali Khaliif iyo Kooxdii la socotay ay dhinaca dalkaasi Itoobiya u tallaabeen, maadaama isaga iyo kooxdiisa ay xasilooni-darro ka abuurayaan gudaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories