HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Taliyihii Ciidanka Booliska oo uu ku...

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Taliyihii Ciidanka Booliska oo uu ku tilmaamay Hawl-gar u Hagar-baxay Ciidanka iyo Amniga dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah haw naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

blankMd Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u diray Ehelka, qoyska, asxaabta, Ciidanka Booliska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo 7-dii sannadood ee u dambeeyey ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo xambaarsan dhambaalka tacsida ah ee  Madaxweynaha, waxa uu Md Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay marxuumka hawl-kar u soo hagar-baxay oo wakhtigiisa inta badan galiyey dhismaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum  Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa  oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories