HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Ustaad Cabdinaasir Macalin Caydiid

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Ustaad Cabdinaasir Macalin Caydiid

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah Ha u naxariistee Ustaad Cabdinaasir Macalin Caydiid oo Xalay ku geeriyooday dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loo geeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mid ka mid ah udub-dhexaadka door weyn ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta Dalka, waxaanu tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bahda Fanka ee uu ka baxay Marxuuku.

War-saxaafadeed Kooban oo xambaarsan dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka, suugaanyahanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, Magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir adag oo ka baxay bahda fanka sidoo kalena uu ahaa mullaxamiiste, hoobal iyo kabanayste isla markaana si weyn looga yaqaanay geyiga, door muhiim ahna ka soo qaatay halgankii dibu xoraynta dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey xaaladdiisa caafimaad ka sii daraysay, ayaa geeriyoooday xilli loo diyaarinayey socdaal dibadeed, gaar ahaan dalka Turkiga oo Qorshuhu ahaa in loo qaado.

Meydka Marxuumka ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Hargeysa oo Aas Qaran loogu samayn doono marxuumka Arbacada Berri.

Maamulka iyo hawl-wadeennada warbaahinta Somalilandpost.net, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Bahda Fanka ee uu ka baxay Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid oo muddo 40 Sanno ku dhow ku jiray Fanka Soomaalida.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories