HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Madaxweynihii Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Madaxweynihii Dalka Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Somalilandna ay ku xasuusan doonto xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday”

Hargeysa (SLpost)- Waxa Jimcaha Maanta geeriyooday madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta Marxuum Sheekh Khaliifa bin Zayed al-Nahyan oo muddo 20 sanno ku dhow soo maamulayay dalkaas.

blankMadaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay geerida marxuumka oo uu ku tilmaamay hoggaamiye ruug-caddaa ah oo ka baxay dalalka Carabta, isla markaana door muhiim ah ku leh mashaariicda horumarineed ee dalkaasi ka wado Somaliland.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland marxuumka ku xusuusan doonto xidhiidhkii soo-jireenka ahaa ee labada waddan u dhaxayn jiray oo uu sheegay inuu marxuumka dib u soo nooleeyey.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbi-weynaha dalkaasi ee aynu walaalaha-nahay, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii dalkaas Marxuum Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo maanta oo jimce ah taariikhduna tahay 13/05/2022 geeriyooday.

“Madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha geeriyooday ku tilmaamay oday siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay guud ahaan Dunida iyo gaar ahaan Dalalka Carabta, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somalilandna ay ku xasuusan doonto xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday, kana dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi dhambaalka tacsida ah ee ka soo baxay madaxtooyada.

Sheekh Khalifa ayaa noqday madaxweynihiii labaad ee dalka Imaaraadka sannadkii 2004-tii, isagoo xilka kala wareegay Aabihii oo ahaa hoggaamiyihii 15aad ee ay yeelato imaaradda Abu Dhabi.

Tobankii sanno ee u horreeyey hoggaamintiisa, waxa uu isbeddel ballaadhan ku sameeyey maamulka iyo nidaamka hay’adaha federaalka iyo kuwa imaaradda Abu Dhabi. Haseyeeshee, markii uu faaliggu ku dhacay sannadkii 2004-kii, lama arki jirin in kasta oo uu soo saari jiray digrootin maamul.

Sida uu dhigayo dastuurka dalka UAE, madaxweyne ku-xigeenka dalkaas Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-Makhtoum oo ah maamulaha imaaradda Dubai, ayaa si ku-meel-gaadh ah ula wareegi doona xila madaxweynaha dalkaas.

Si loo doorto madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu sharciga dalkaasi dhigayaa inay muddo 30 maalmood gudahood ah ay kulan isugu yimaaddaan golaha Federaalka oo ka kooban maamulayaasha toddobada Imaaradood ee dalkaasi ka kooban yahay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories