HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Doorkii NELSON MANDELA ku lahaa Dimuqraadiyadda Qaaradda...

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Doorkii NELSON MANDELA ku lahaa Dimuqraadiyadda Qaaradda Afrika, Qoyskiisa iyo Shacabka Koonfur Afrikana ka tacsiyeey Geeridiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida madaxweynihii u horeeyay ee madaw ahaa ee dalka Koonfurta Afrika, Nelson Mandela, oo xalay ku geeriyooday magaaladda Johnsberg ee dalkaasi South Africa.

Madaxwayne Siilaanyo waxa uu Nelson Mandela ku tilmaamay in uu ahaa shaqsiyad aad u weyn oo qaaradda Afrika iyo dunidaba magac iyo maamuus ku lahaa, isla markaana uu xaliyey dhibaatadii midab-kala-soocu ku hayay dalkiisa Koonfur Afrika oo dunida oo dhan saamayn ku lahaa in uu isagu samir u yeeshay.

Waxa kale oo Madaxweyne Siilaanyo  sheegay  in Mandela uu door aad u wayn ka qaatay is-fahamkii dadka Caddaanka iyo Madawga ah ee ku wada nool dalka Koonfur Afrika iyo sidoo kale is-fahamka caalamka, taasina ay ahayd arrinta Nelson Mandela uu tusaalaha fiican ugu noqday.

Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland

“Nelson Mandela wuxuu ahaa shaqsiyad aad iyo aad u weyn, oo qaaradda Afrika iyo dunida oo dhanba ku weyn, oo magac iyo maamuus weyn ku yeeshay ayuu ahaa, Koonfur Afrika waxa y ahayd meel dadka midab kala sooc aad u weyni ka jiray, taasi oo saamayn wayn ku lahayd afrika iyo caalamka oo dhan, dadkii samirka u yeeshay ee xaliyay ee dunidu ku maamuustay, oo uu magac ku yeeshay ee is fahamka dunida iyo si fahamka cadaanka iyo madawga u noqday tusaalaha ayuu ahaa. Markaa Mandela wuxuu ahaa qof lagu daydo, wuxuu ahaa nin xasuus wanaagsan in loo yeesho mudan ah ayuu ahaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta u warramay laanta Af-soomaaliga ee idaacada BBC-da, ayaa sidoo kale geerida Mandela ka tacsiyadeeyay qoyskiisii, eheladiisa, dalka iyo dadka Koonfur Afrika iyo caalamkaba. “Qoyskiisa iyo eheladiisiiba waan ka tacsiyadaynayaa, waxaanan leeyahay illaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo, dalkiisa iyo caalamkaba waxaan leenahay ninkaasi nin wayn oo caan ah oo magacaa wayn leh ayuu ahaa, markaa xaasaskiisii iyo dalkiisa iyo dunidaba waxaan leenahay nin qaali ah oo ka baxay ayuu ahaa, waxaanu ahaa nin aad iyo aad in loogu daydo mudan ayuu ahaa, oo xalilla dunida oo dhan meelaha arrimaha noocaasi oo kale ahi ka jiraan, markaa waa nin loo baahan yahya in tusaalihiisii oo kale lagu daydo, oo mar walba la xauusto, oo la soo qaato, oo lagu daydo u baahan ayuu ahaa” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sida aan horeba u idhi ama afrika ha noqoto ama meel kale oo dunida ahba ha noqoto ee tusaaleyaashiisii waa kuwa loo baahan yahay inbani’aamka oo dhami ku daydo, oo waa waxa uu maamuuska iyo magaca dunida oo dhan ugu yeeshay… markaa dunida oo dhan in lagu daydaa waa lagama maarmaan. in dadka la dhaqdo, oo dunida oo dhan la isku hayo, oo quruumaha kala duwan eek ala magaca ah, ee kala diinta ah, ee kala midabka ah, in isku si loo wada noolaado waa wax lagama maarmaan ah, markaa Nelson Mandela waa dadka waxyaabahaasi lagu xasuusanyo” .

Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyay in muddadii aadka u dheerayd ee uu siyaasada ku soo jiray in marna ay kulmeen Nelson Mandela ama xuno ka tirsan xisbigiisii ANC, waxa uu ku jawaabay “Maya ee Nelson Mandela shaqsiyan maanaan kulmin, laakiin berigii aanu dawladii Soomaaliya ku jirnay waa la kulmi jiray oo hay’adiisii iyo hay’ado Soomaali ah oo ku shuqul alahaa ayaa kulmi jiray, waanay noo iman jireen, dalkana way iman jireen oo waa lala kulmi jiray, dadkii wax na tari jiray ee wax nala qaban jiray ayay ahaayeen,” ayuu yidhi madaxwaynuhu.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories