HomeMadaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Dagaalka Ruushka iyo Ukraine una Hanjabay Ganacsatada...

Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Dagaalka Ruushka iyo Ukraine una Hanjabay Ganacsatada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay Saamaynta ka dhalatay xaaladda Abaareed ee ka jirta Somaliland iyo sida uu bulshada u saameeyey Sicir-bararka ku yimi Maceeshadda.

blankMadaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag ugu hanjabay Ganacsatada Dalka intooda badan oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen gurmadka Abaaraha isla markaana ay sabab u yihiin sicir-bararka ka jira dalka, waxaanu sheegay inay jiraan Ganacsato mana-xayaal ah oo danahooda gaarka ah uga faa’idaysta xilliyada ay dadku dhibaataysan yihiin.

Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta xadhigga ka jaray Buundo laga hirgeliyey Dooxa Dacar-budhuq oo ku yaalla Jidka laamiga ah ee Isku xidha Hargeysa iyo Berbera, ayaa ugu horeyn ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta oo uu sheegay in sida wax u jiraan la buun-buuniyey.

“Walaalayaal dalkan waxaa ka jirta Abaar kulul sidii Ilaahay looga bartay Todob ayaa bilaabmaya 50-habeen ka bacdi baa Roob kii la filayaa, dalka  dhammaantii inta badan waxa ka jira biyo la’aan, weli waxaynu ku ladanahay Xooluhu daaqii way haystaan oo wali may liicin, sida dadka qaarkii wax uga tebinayaan Saxaafadda maaha , belaayo aan Ilaahay kuu keenin in loo yeedho maaha, Dhibaatada taagnayd labadii bilood ee lasoo dhaafay iyo konton kaa habeen ee inoo hadhay waa biyo la’aan biyahaana intii hore dawladda ayaa wadday haddana waxaa kusoo biiray inta aan oggahay saddex ganacsade oo mid waliba bixiyey 1000-booyadood ballan qaadayna inay wadayaan inta biyo la’aantaasi jirto,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xusay inaanay ganacsatada badankoodu ka qeyb qaadan Xaaladaha lasoo gudboonaada dalka waxaanu yidhi, “Waxaa laga yaaba inaan ganacsatadu badankeedu aanay ka qeybgelin dhibaatooyinka dalka  ka dhaca, afar qof baa lagu eegaa taasina xaq maaha, waxaan hubaa Xoolaha Somaliland hayso hadday isu gurmato in aynaan u baahnayn baryo bani-aadam, waxaan usoo jeedinayaa Ganacsatada, qurba-jooga iyo qofkii wax hayaba in markay dhibaato jirto uu ka qeyb qaato uma baahnin baryo. Dawladdu waxay ku dedaashay labadii bilood ee ugu danbaysay 45-Ceel baa la kiciyey kuwii hore ee socday mooyaane.”

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay Dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo saamaynta ka dhalatay, waxaanu yidhi, “Maanta adduunka waxa ka dhacaya waad ogtihiin, dagaal baa ka dhacay adduunka oo dhan saameeyey dawladihii waa weynaa way kala urursadeen nin waliba wixiisi wuu xaraystay inay ciidamada isu urursadeena waad ogtihiin, dhaqaalihii adduun maamuli jiray nin waliba wixiisi wuu ootay nin walowba maxaad tabcatay ayaa soo socota”.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay sii daayeen Shiidaalkii ganacsatadana waxa uu ugu baaqay inay shacabka ka jebiyaan qiimaha shidaalka. “Imika dhibaatooyinka ina haysta waxaa kamida Shidaalkii, shidaalka imika waxbaanu ka bedelnay sharcigii hore waa inaynu helnaa keyd shidaal ganacsatadana waxaan ka codsanaynaa inay waxay hayaan keenaan, wixii jirana waanu isla eegaynaa waayo ganacsadaha waxaa laga rabaa inuu ku jaban oo aan Gaadiidka dilin uu keeno , maanta kii ugu horeeyey waa joogaa Dahabshiil baa leh wuu taagan yahay waanu soo daynaynaa kuwa kalena waan soo daynaynaa hadday keenaan inta abaarta lagu jiro iyagana waxaa laga rabaa inay shidaalka jebiyaan maadaama wax badan iyaga loo fudaydinayo Dekada”.

Laamaha amniga iyo Wasaaradda Ganacsiga ayuu faray Madaxweynuhu inay tallaabo ka qaadaan ganacsatada dadka alaabaha ka xaraysta marka dhibaato timaado si ay ugu qaaliyeena “Waxaa jira ragg ka macaasha marka ay dadku dhibaataysan yihiin oo inta uu alaabta xaraysto dadka ku qaaliyeeya taasi  Diintana waa ka mamnuuc dadnimadana waa ka mamnuuc, hay’addaha ku shaqada leh ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidamada Boolisku ka mid yihiin inay ilaaliyaan ka dadka ka xaraysanaaya marka ay dhibaataysan yihiin alaabta ee ku qaaliyeynaya talaabana laga qaado”.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan Bulshada Somaliland taasoo ah in dunidii uu dagaal ka socdo loona baahan yahay sidii looga gaashaaman lahaa. “Somaliland waxaan u dirayaa fariinta ah waar dunidii dagaal baa ka socda bad xidhan baa soo socota nin waliba itaalkiisuu marayaa waxaynu u baahanahay inaynu dib isu eegno oo aynu nidhaahno maxaynu waxan kaga bixi karnaa oo raggu masuuliyada isa sii saaro oo aanay meel hoose ka fikerin, jaadkaa ka mida dhibaayiinka ina haysta inagoo waxaa ku jirta maalintii inta qaad inagaga baxda intaasoo hawla ayey inoo qaban lahayd waa se aafo laynagu darsaday malaa duco ayuun baa inaga saari karta iyo caruurteena oo aynu kala dardaarano inteena waa weyn wuu dishooday intuu inaga dilayna Ilaahay baa og,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories