HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku...

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku geeriyooday Shil-baabuur

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta shil baabuur ku geeriyooday Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, halka toddoba Askari oo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen.

Shilka Baabuur oo ka dhacay duleedka Degmada Yagoori ee gobolka Sool, waxa geerida Askarta Ciidanka Booliska ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ciidanka Booliska, ehelka, Qaraamada, Asxaabta iyo Qaranka Somaliland tacsi u diray.

blank“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah: K/L Cumar Cali Cabdilaahi, L/A/le Maxamed Ibraahim Carab, D/le Sidiiq Maxamed Siciid iyo D/le Ayaanle Cabdi Yuusuf ooku geeriyooday Shil gaadhi Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/12/2021, oo ka dhacay duleedka Degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ka tacsiyadaynayaa ciidanka booliska iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Afartaa marxuum, waxaanu madaxweynuhu inta dhaawaca ah oo ka kooban Todoba Askari Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana ka siiyo dhaawaca ka soo gaadhay shilkaa gaadhiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka booliska, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories