HomeMadaxweynaha Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyey Hadal ka soo yeedhay dawladda...

Madaxweynaha Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyey Hadal ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalkaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka waan-towdo faro-gelinta ay ku hayso iyo ka-hadalka arrimaha ka jira gudaha Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay dhaawac u geysanayso wada-hadallada socda ee labada waddan.

Madaxweyne Siilaanyo oo daba-socda hadal shalay ka soo yeedhay dawladda dawladda Soomaaliya oo si qaawan uga hadashay shirkad hawl-gallo macdan-baadhis ah ka wadda gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, waxa uu sheegay inaanay Somaliland aqbali doonin faro-gelin ah kasta oo loogu soo xad-gudbo xuduudaheeda, isaga oo ku gooddiyey in xukuumaddiisa hab-dhaqan kasta oo gurracan ay kaga jawaab-celinayso mid la mid ah.

“Somaliland ma aqbali doonto nooc kasta oo faro-gelin ah oo xuduudaheeda lagu sameeyo. Tallaabo kasta oo qaldan oo nagaga timaadda waddanka aanu jaarka nahay ee Somaliya sida ay tahay ayaanu ugula macaamilaynaa,” sidaas waxa yidhi madaxweyne Siilaanyo oo arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter.

Madaxweynuhu waxa uu faro-gelinta dawladda Soomaaliya ku sheegay mid waxyeello u geysanaysa wada-hadallada socda ee labada waddan, waxaanu yidhi, “Waxaanu ku boorinaynaa dawladda Soomaaliya inay ka laabato ka-hadalka arrimaha khuseeya Somaliland, kaliya waxa ay dhaawacaysaa wada-hadallada socda.”

War shalay ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay xaalado amaan-darro ka abuurtay Gobolka Awdal Shirkad magaceeda la yidhaahdo ARC, lagana leeyahay dalka Shiinaha oo xukuumadda Somaliland heshiis kula galay hawl-gallo Macdan-qodis ah oo ay ka waddo gobolka Awdal deegaano ka tirsan.

“Howlaha ARC ay sida sharci-darrada ah uga waddo Somalia waxay abuurtay xasillooni-darro soo wajahday deegaannadaas, kadib markii ay boqolaal qof oo meleeshiyaad ah shaqaaleysay si ay u ilaaliyaan shirkadda iyo shaqaalaha howsha u wada, isla markasna ay barakicisay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaankaas,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Macdanta Somalia oo shirkadda ugu baaqday inay joojiyo hawlaha macdan-qodista ah ee ay ka waddo gobolka Awdal.

Mushkiladaha warkan lagu sheegay iyo malleeshiyaadka barakaca sameeyay ayaa ah xaalad aan ka jirin Gobolka Awdal marka laga reebo tabasho salka ku haysa Saami qaybsi oo Reer Awdal tirsanayaan, waxaanu warkan dawladda Soomaaliya u muuqday mid lagaga faa’idaysanayo buun-buuninta arrintan.
SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories