HomeMadaxweynaha Somaliland oo isugu Yeedhay Hawl-wadeenada Xukuumaddiisa

Madaxweynaha Somaliland oo isugu Yeedhay Hawl-wadeenada Xukuumaddiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo, wuxuu maanta (03.12.2015) shir aan-caadi-ahayn la qaatay Wasiirrada, Wasiiru-Dawlayaasha, Wasiir ku xigeenada iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dalka.

Shirkan oo ahaa shir si ballaadhan loo soo agaasimay waxa goob-joog ahaa masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradaha Dalka badankooda, waxaana lagaga wada hadlay, afkaar iyo araahna la isu weydaarsaday sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha Qaranka iyo weliba sidii loo xoojin lahaa is-fahanka iyo hannaanka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha guud.

Madaxweynaha oo shirkaasi gudoominayey ayaa iftiimiyey muhiimadda iyo qiimaha ay Qarankeenna u leedahay in Hay’adda Fulinta oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee Hay’adaha Qarankeena, ay mar mar isugu yimaadaan is-waraysi iyo wada tashi lagaga wada hadlayo waxyaabaha Xukuumadda u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin, caqabadaha jira iyo sida wax looga qabanayo iyo weliba qorshaha iyo hiigsiga ay Wasaaraduhu leeyihiin mustaqbalka dhaw.

Shirkan oo aan caadi ahayn ujeedada ugu muhiimsan ee uu xambaarsanaa waxay ahayd xog-ogaal u noqoshada iyo dar-dar gelinta xilka iyo hawlaha ay ummaddu Xukuumada u igmatay. Sidoo kale waxa lagaga arrinsaday adkaynta xidhiidhka iyo wada shaqaynta Xukuumadda dhexdeeda, isku xidhka Xukuumadda iyo Xisbal Xaakimka, toosinta dhalliilaha iyo tabashooyinka dhabta ah ee jira, wixii talo iyo tusaale loo arko ee danta Qaranku ku aslaxayso, baahiyaha ummaddeenana lagu qabyo tirayo.

Shirkan oo saacado badan qaatay waxa hadal kooban, talo iyo tilmaanba ka soo jeediyay Wasiiro badan iyo Agaasimayaal Guudba, waxana lagu lafa-guray arrimo dhawra oo dalka iyo dadkaba wax tar u leh ayaa ku soo gebegaboobay guul iyo is-fahan wada shaqayneed.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey xog-warranka ay bixinayeen masuuliyiintii Hay’adda Fulintu, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran, duco iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey Wasiirrada, Wasiiru-Dawlayaasha, Wasiir ku xigeenada iyo Agaasimeyaasha Guud ee kulanka ka soo qayb galay wuxuu dhammaantoodba ugu baaqay inay si hufan u wada shaqeeyaan, isagoo ku booriyey inay xilka iyo waajibaadka ay ummadda u hayaan u gutaan sida ugu habboon.

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories