HomeMadaxweynaha Somaliland oo ibo-furay Qaybinta Hal Milyan Buugaag Lacag La’aan ah oo La siinayo...

Madaxweynaha Somaliland oo ibo-furay Qaybinta Hal Milyan Buugaag Lacag La’aan ah oo La siinayo Ardayda Dugsiyada H/Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  gacantiisa ku qaybiyey Buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose dhexe oo lacag la’aan ah, kuwaas oo uu maanta si rasmi ah ugu qaybiyey ardayda wax ka barata dugsiga Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa  saaka qaybinta Buugaagta daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose  dhexe ee dalka oo tiradoodu dhan tahay   1,000,200 (Hal Milyan iyo Laba boqol), isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaa arday tiradoodu dhan tahay  153,077 (Boqol iyo Saddex iyo konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday,  waxa uu ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.

 1

Madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo dhammaantood ku sugnaa gudaha dugsiga Qudhac-dheer, ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay buugaagtan lacag la’aanta ahi usoo kordhin doonto dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose dhexe ee dalka, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen go’aanka geesinimada leh ee uu ugu dhiirraday in ay ardaydu hesho buugaag daabacan oo lacag la’aan ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda.

 3

Madaxweynuhu waxa uu  hoosta ka xarriiqay sida ay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay uga go’an tahay inay daryeesho da’yarta wax baranaysa ee mustaqbalkooda la dhisayo, maadaama ay aayihii dambe uu dalka yihiin,  “Mar haddii aad mustaqbalka leedihiin xaq waxad u leedihiin in la idin siiyo tacliin wanaagsan iyo nolol wanaagsan, waajib bayna ku tahay waalidka, dawladda iyo tujaartaba inay idinka idin daryeelaan, waayo mustaqbalka dalku waa dadka. Daar la dhiso iyo laamiyada iyo qurux la beero waxa ugu weyn ee la maalgelinayaa waa mustaqbalka iyo da’yarta iyo dadka, waxana aannu doonaynaa in da’diinani aad ka duwanaataan da’da maanta nool dhinac walba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Buugaagta daabacan ee maanta qaybintooda la ibo-furay, ayaa si lacag la’aan ah loogu qaybin doonaa dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka, kuwaas oo uga faa’iidaysan doona  waxbarashadooda, waxaanay ka mid tahay balan qaadyadii madaxweynaha ee wakhtigii ololaha.

IMG_0814 8B7A8682 8B7A8643 5 1 2

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories