HomeMadaxweynaha Somaliland oo Heegan Geliyey Ciidamada Qalabka Sida

Madaxweynaha Somaliland oo Heegan Geliyey Ciidamada Qalabka Sida

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer isugu jira wacyigelin iyo indho-indhayn ku tegay Taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo xerada Birjeed, isaga oo sidoo kale dhammaanba ciidamada kala duwan ee qalabka sidana geliyey heegan buuxa sababo la xidhiidha xaaladda xaaladda xanuunka CORONAVIRUS ee saamaynta ku yeeshay dunida.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, qaar kamid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa booqashadiisa ka bilaabay taliska Guud ee ciidanka oo ay heegan ku ahaayeen Abbaan-duulaha, sakaariiskha kala duwan iyo taliyayayaasha kala duwan ee ciidanka, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad ballaadhan oo uu ciidanka ku hogo-tusaaleeyey waajibaadka ciidan ahaan ka saaran ka hortagga dhankooda xanuunka saf-marka ah ee CORONAVIRUS iyo ka hortagga haddii uu dalka soo galo.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu ciidanka qaranka uga mahadnaqay hawsha ballaadhan ee ay dalka u hayaan, isaga oo caddeeyey inaanu xanuunkaasi weli soo gaadhin dalka, balse haddii la arko ay ciidamadu yihiin cududda kaliya ee dhibaatadaas samato-bixinteeda ka qayb qaadan kara, “Qarankiinnu wuu idin og yahay, maantana shirkiinna aannu kasoo qayb galnay, waxannu ugu nimi inaannu idinkala hadalno laba qodob. Shalay waad dhegaysateen oo ummaddaanu la hadalnay, waxa ka jira maanta waad og tihiin iyo xanuunka adduunka oo dhan ka khal-khaliyey, Somaliland Ilaahay mahaddii ilaa saaka weynu nabad qabnaa, laakiin feejignaan weyn, dedaal weyn iyo diyaargarow weyn ayeynu u baahannahay, maanta dal waliba waxa uu kaga bixi karaa masiibadaas, ama uu ku yarayn karaa ama kaga hortegi karaa awoodda ciidamadiisa, waana maalintii ciidamo loo baahnaa nooc ay yihiinba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, waxa uu ciidanka xusuusiyey waajibaadka ka saaran marka ay xaaladaha noocan oo kale ahi yimaaddaan, isaga oo sidoo kale uga warramay ujeeddada uu ugu yimi, “Maanta intuu dalku leeyahay cudud maamuli karta dalka xuduudihiisa iyo gudihiisaba ayey ku sinnaanaysaa badbaadadiisu si ay u yaraato dhibaatada uu xanuunkaasi leeyahay haddii uu ina soo gaadho, markaa waxannu si gaar ah idiinku nimi inaannu idinka wacyigelinno halka ay wax marayaan, hawsha inoo taalla iyo nin kasta oo ciidan ah iyo gabadh kasta oo ciidan ah iyo qof kasta oo xilkas ah hawsha u taalla.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Maanta waxa aynnu ka hortegaynaa masiibo adduunka oo dhan gaadhay oo aynaan garanayn meel ay kaaga imanayso oo aan dawo lahayn oo meel kaaga soo socoto iyo si ay u imanayso aan la garanayn oo loo baahan yahay inaynu iska maarayno, sidaas darteed farriinta aan ciidanka ugu imi waa in heegan buuxa la galo, xilkii hore ee aad hayseen ee qaran ee dalka difaaciisa ahaa ee awalba aad idinku u taagnaydeen, tanna way inagu soo korodhay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in shacabka reer Somaliland yihiin dad isku duuban, balse ay maanta kusoo socoto duruuf u baahan inay sii adkeeyaan midnimadeeda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Innaga Ilaahay wuxuu ina siiyey shacbi Ilaahooda aaminsan, isku kalsoon, dawladoodda dhista, markay dhibaato joogtana u midooba, kooda taagta daran, ka buka, ka taajirka ah, ka xoogga ah, jeneraalka, dablaha, xammaalka iyo ka curyaanka ah dhammaantood meel wax ku wada cuna oo iska war haya, haddii aynu reer Somaliland nahayna dhammaanteen isku qoys baynnu nahay, maantana waa maalintii midnimada, waana duruuf ka wada adag dagaal kasta.“

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu kormeerkiisa kusoo maray xarunta taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha, waxana halkaas kusoo dhaweeyey saraakiisha hoggaamisa ciidankaas, isaga oo madaxweynuhu indho indhayn ku sameeyey xafiisyada kala duwan ee xarunta oo ay ka socotay shaqada caadiga ah ee saraakiisha.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu faray ciidamada kala duwan ee qaranka inay xeryahooda iyo goobaha shaqada ku sugnaadaan oo ay yareeyaan tegitaanka suuqyada iyo goobaha kale ee aan muhiimka u ahayn shaqadooda iyo danahoodaba.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories