HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynihii Ee Nigeria Oo Booqasho Ku...

Madaxweynaha Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynihii Ee Nigeria Oo Booqasho Ku Yimi Dalka (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed Ku maamuusay madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo oo booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland.

 

Hadhimo-sharafeeddan uu madaxweynuhu u sameeyey madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya oo ay ka qaybgaleen shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray, wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, ayaa ahayd mid lagu sharfayey madaxweynaha hore ee Neyjeeriya  Olusegun Obasanjo ee dalka booqasho rasmi ah ku jooga, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, islamarkaana lagu sharraxay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.

blank

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya , Mr. Olusegun Obasanjo booqashada uu dalka ku yimi, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

 

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha Hay’adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn uga mahadnaqay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.

blank

Madaxweyne Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimi salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi, “Waxannu halkan u nimi inaan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.” 

 

Madaxweyne Obasanjo oo maanta kasoo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa, kuna soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.

blankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblankblank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories