HomeMadaxweynaha Somaliland oo Guddi Wasiirro ah u Magacaabay Xaaladda Biyo-yaraanta Dalka

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi Wasiirro ah u Magacaabay Xaaladda Biyo-yaraanta Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii 95-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu naaqishay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Ugu horrayn waxa warbiximo laga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha oo golaha la wadaagay amniga guud ee dalka, Macdanta iyo Tamarta oo golaha warbixin ka siiyey xaalada koronta iyo horumarinta biyaha oo golaha uga warbixiyey xaaladda biyo yaraanta ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in talo midaysan oo mustaqbalka lagu badbaadi karo laga yeesho, waxana arrintaas talo bixinteeda goluhu u saaray guddi wasiirro ah oo hawshaas loo xilsaaray.

Sidoo kale Qaybo-qoraalka xeerka ciidanka dab-demiska oo dooddiisu hore u socotay, ayaa maantana lasii ambo qaaday, ka doodistiisa, waxana loo xilsaaray soo ururinta doodaha xeerkaas iyo afkaartii laga soo jeediyeyba guddi, taas oo kulamada dambe keeni doonta warbixintooda dhammayska tiran.

Dhinaca kale goluhu waxa uu meel mariyey Siyaasadda qaran ee Diiwaanka Sekeda oo goluhu ansixiyey, taas oo ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen xubnihii wasiirrada ahaa ee kal-fadhiga ku sugnaa.

Ugu dambayntii, waxa golaha loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, taas oo goluhu fadhiyada dambe gudo geli doono dooddiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories