HomeMadaxweynaha Somaliland oo Guddi u Saaray Wax-ka-Qabashada Xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u Saaray Wax-ka-Qabashada Xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii Golaha Wasiirrada ee Khamiista Maanta ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada, ayaa lagaga dooday qodobbo ay ka mid yihiin Caabuqa Coronavirus oo saamayn ba’an ku haya adduunka.

blankSidoo kale fadhigan waxa lagu magacaabay guddi heer Qaran ah oo loo xil-saaray xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda iyo sidii loo horumarin lahaa isla-markaana shaqo-buur loo samayn lahaa. Waxa kale oo fadhiga lagaga hadlay sidii looga gaashaaman lahaa Ayax la sheegay inuu ku soo fool-leeyahay dalka.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxaanu u qornaa sidan:-

“Fadhigii 55aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda oo Madaxweynuhuna guddi u saaray.

Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaaladda Caabuqa Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in illaa hadda dalku ka nabad-qabo oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi lagu garto.

Waxa isna golaha warbixin mugleh ka siiyey wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland heerka waxbarashada ee dalka iyo sidii deegaanada baadiyaha ah ee Magaalooyinka ka durugsan loo gaadhsiin lahaa waxbarashada.

Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, sida lagu xusay war-bixinaha hay’adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo fadhigan goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda. War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa.

Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland.

Xubnaha Guddida:

1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.

2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

3. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.

4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal.

7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.

8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

9. Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile.

10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire….”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories