HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Guddi Miisaan leh u magacaabay Aaska Marxuum-Qaybe

Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi Miisaan leh u magacaabay Aaska Marxuum-Qaybe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah oo tiiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaana Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Ambaasadoor axmed maxamed aadan (Qaybe) Gudoomiyahii hore ee Golaha wakiilada Somaliland oo saaka ku geeriyooday Magaalada hargeysa.

Dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynaha oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Axmed saleebaan Dhuxul oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaaladda wararka ee Somaliland ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddi heer Qaran ah u saaray Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe.

qaybe

Gudida aaska ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
Wareegtada Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida aaska marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)
Mudanayaal.Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).
Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuumka.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories