HomeMadaxweynaha Somaliland oo Guddi Heer Qaran u magacaabay Ka-hortagga Cudurka Covid-19

Madaxweynaha Somaliland oo Guddi Heer Qaran u magacaabay Ka-hortagga Cudurka Covid-19

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magacaabay Guddiga ka hor-tagga Cudurka sida xawliga ah dunida ugu fidaya ee Corona-virus, kaas oo soo gaadhay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

blankDalka Ethiopia oo Xuduud la leh Somaliland, waxa ka dhexeeya ganacsiga ugu badan ee Qudaarta iyo Qaadku ka mid yahay oo Somaliland uga yimaadda. Waxaanay arrintani sababtay in Jimcihii shalay ay xukuumaddu hakiso fiisayaasha la siin jiray dadka ka imanaya dalka Ethiopia ee u soo safraya Somaliland.

Wareegto uu maanta soo saaray madaxweynaha Somaliland, waxa uu ku magacaabay guddi heer Wasiir ah oo Shan xubnood ka kooban, kuwaas oo madaxweynuhu u xil-saaray diyaar-garow heer Qaran ah oo lagaga hortagayo khatarta iyo saamaynta Cudurka Covid-19 ee ka dhasha caabuqa CoronaVirus.

Guddiga Wasiirrada ah ee madaxweynuhu magacaabay, ayaa kala Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Wareegtada Madaxweynaha oo lagu socodsiiyey dhammaan masuuliyiinta hawshan loo igmaday oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, ayaa u dhignayd sidan:-

“Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo.

Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan. Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus”, sidaas ayaa lagu yidhi Wareegtada Madaxweyne Biixi ku magacaabay Guddiga Heer Qaran ee ka hor-tagga Cudurka Covid-19 ee faraha baas ku haya caalamka.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories