HomeMadaxweynaha Somaliland oo Go’aamo Culus ka soo saaray ka Qayb-galay Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland oo Go’aamo Culus ka soo saaray ka Qayb-galay Siyaasadda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu ka soo saaray Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya ee qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in xukuumadda oo kaliya oo metalaysa Shacabka Somaliland ay ka qayb-gali karto shirarka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas awgeedna aan cid kale loo oggolayn inay sifo uun kaga qayb-gasho ama ku lug yeelato arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

blank
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Xeerka madaxweyne Muuse biixi ka soo saaray oo ka kooban Afar Qodob, waxa uu ku sheegay in cid kasta oo ka hor timaadda go’aankii ay labada gole baarlamaan hore uga soo saareen ka-qayb-galka Arrimaha siyaasadda Soomaaliya loo arkayo inuu ku kacay khiyaamo Qaran, waxaanu hay’adaha ammaanka ee ay khuseyso ku amray inay tallaabo sharci ka qaadaan cid kasta oo lagu helo fal-dambiyeedkan.

Md Muuse Biixi waxa uu sheegay inaanay jiri doonin saamaxaad loo fidinayo Qof kasta oo meel kaga dhaca go’aankii labada Gole baarlamaan ilaa la horgaynayo Maxkamad horteed, xukun-na ku dhacayo.

Xeerka Madaxweynuhu soo saaray oo sumaddiisu tahay Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021 ayaa u dhignaa sidan:-

“Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya

Markaan Arkay: Go’aanka Labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya;

Markaan Arkay: Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada);

Markaan Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan ku Qancay:       In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Soo Saaray;

1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.

2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka  labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.

4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories