HomeMadaxweynaha Somaliland oo Go'aamiyey Dhaqan-galka Wakhtiga Rasmiga ah ee Qabsoomidda Doorashada

Madaxweynaha Somaliland oo Go’aamiyey Dhaqan-galka Wakhtiga Rasmiga ah ee Qabsoomidda Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa wareegto uu maanta soo saaray si rasmi ah ugu dhaqan-geliyey muddada loo cayimay qabsoomidda doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo loo asteeyey 31-May 2021-ka, kaddib markii Golaha Guurtidu ansixiyeen in doorashada lagu qabto muddadaas.

Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn shalay ka yeeshay is-waafajinta go’aan uu Goluhu hore u soo saaray iyo muddada Guddiga Doorashooyinka shaaciyeen oo is-khilaafsan, waxa ay isku raaceen in doorashada lagu qabto Xilliga ugu habboon ee Guddiga doorashooyinku diyaariyaan qabsoomiddeeda.

blank
Madaxweynaha Somaliland

Guddiga Doorashooyinka ayaa 16-kii January madaxweynaha u gudbiyey inay qabsoomidda doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka u muddeeyeen 31-ka May, haseyeeshee kulan kale oo 17-kii January madaxtooyada ku dhexmaray hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi Qaran iyo madaxweynaha, ayaa lagu soo jeediyey in lays-waafajiyo muddada guddiga Doorashooyinku cayimeen iyo muddo-kordhin Golaha Guurtidu 24 November 2019 u sameeyeen Golaha Wakiillada, taas oo xilli-dhammaadkeedu ku egyahay 25 November 2021-ka.

Haddaba, madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr. 12/022021 waxa uu ku meel-mariyey sharcinimada muddada loo cayimay qabsoomidda Doorashada maadaama oo hay’adihii sharciyaddeeda ku shaqo lahaa go’aan isku mid ah ka soo saareen.

Wareegtada madaxweynaha ee lagu shaaciyey dhaqan-galka muddada loo cayimay doorashada, ayaa u dhignaa sida hoos ku xusan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories