HomeMadaxweynaha Somaliland oo Furay Wejiga 1aad ee Ballaadhinta Dekedda Berbera

Madaxweynaha Somaliland oo Furay Wejiga 1aad ee Ballaadhinta Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray wejiga 1aad ee ballaadhinta iyo Casriyeynta Dekedda Berbera.

Munaasibadda furitaanka Dekedda Berbera oo ku qabsoontay gudaha Marsada, waxa ka qab-galay madaxda Xisbiyada Mucaaradka, masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda iyo labada gole baarlamaan, wufuud ka socota dowladaha Ethiopia iyo Guinea Bissau, saraakiisha saresare ee shirkadda DP World oo gacanta ku haysta maamulka iyo maalgeshiga Marsada Berbera iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa sheegay in ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera aanay faa’ido u lahayn oo kaliya Somaliland, balse ay ka faa’idaysan doonaan waddamada mandaqadda Geeska Afrika oo uu ugu horreeyo Dalka Ethiopia oo saami boqolkiiba 19 ah ku leh maalgeshiga iyo ballaadhinta dekedda Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in dekedda Berbera mustaqbalka noqon doonto marso adeegeedu la mid yahay adeegyada ay bixiyaan dekedaha ugu casrisan adduunka oo uu barbar dhigay maadaama ay ku taallo mandaqad istaraataji ah oo isku xidhaysa ganacsiga caalamka.

Muuqaalka Hoose Ka daawo Hadalkii madaxweynaha Somaliland

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Ethiopia Axmed Shida, Wasiirka Gaadiidka Ethiopia iyo madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaaliya Ethiopia Mustafe Maxamuud Cumar oo dhammaantood bogaadiyey horumarka dekedda Berbera, iyagoo xusay muhiimadda ay marsada Berbera u leedahay dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories