HomeMadaxweynaha Somaliland oo Furay Mashruuc lagu Horumarinayo Ka-faa'idaysiga Caanaha

Madaxweynaha Somaliland oo Furay Mashruuc lagu Horumarinayo Ka-faa’idaysiga Caanaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Xadhigga ka jaray Mashruuc la xidhiidha horumarinta iyo ka-faa’idaysiga Caanaha, kaas oo Midowga Yurub Maal-galiyey, isla markaana ay si wada-jir ah u fulinayaan Wasaaradda Xannaanaha Xoolaha Somaliland iyo Hay’adda Qaramada u qaabilan Cuntada iyo Beeraha ee FOA.

Munaasibad lagu daah-furay mashruucan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wefti ka socday Midowga Yurub oo u hoggaaminayo Safiirka EU-da u fadhiya magaalada Nairobi, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, saraakiil ka socotay hay’ado Caalami ah iyo kuwo Maxalli ah oo dalka ka hawl-gala iyo Marti-sharaf kale.

Waxa Munaasibaddaas hadallo kooban ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Dahir oo labadooduba Midowga Yurub uga mahad-celiyey taageerada ay ka geysteen mashruucan, iyaga oo taabtay muhiimadda ka-faa’idaysiga iyo kobcinta Caanuhu u leeyihiin bulshada.

Mashruucan oo noqonaya Wejigii kowaad ee lagu maal-gelinayo sidii lagu horumarin lahaa Caanaha Xoolaha, waxa uu Midowga Yurub ku bixiyey 4 Milyan oo Yuuro iyo $400,000 (Afar boqol oo Kun oo Dollar) oo hay’adda FOA bixinayso, sida uu sheegay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALLADII WASIIRKA iyo MADAXWEYNAHA

SOMALILANDPOST.NET

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories