HomeMadaxweynaha Somaliland oo Dood iyo Garnaqsi Kaga Jawaabay Cabashada Mucaaridka ee Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland oo Dood iyo Garnaqsi Kaga Jawaabay Cabashada Mucaaridka ee Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka u sharraxay ujeeddada ay salka ku hayso cabashada kasoo yeedhaysa axsaabta mucaaridka ah ee ku saabsan hirgelinta doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasibad ay ku qalinjebiyeen dufcaddii Afraad ee shaqo qaran, ayaa ugu horrayn bulshada usoo jeediyey inaanay dhib weyn u arkin buuqa siyaasadeed ee taagan, shaqada xisbiyaduna tahay dood iyo kala jiidashada shacabka, isaga oo axsaabtana ugu baaqay inaanay marnaba ka tegin milgaha iyo sharafta qaranka.

“Shacaboow mid ogaada, yaan laga sasin buuqa iyo muranka asxaabta, waana meel talo lagu wadaagayo oo ra’yiyo kala duwan baa la isla jiidhayaa, laakiin ma aha meel lagu ducaysto oo masaajidka oo kale ah, doodda xisbiyada iyo muranka xisbiyadu waa xaq dastoori ah, waana waxa aynu u abuurannahaye waa inaynu aqbalnaa, xisbiyada, ururrada imika la bilaabayo iyo kuwa iman doonaba waxa waajib ku ah waar si cadownimo ahna aynu u doodno oo arrinta halka la iska tusayo hallayska tuso, si walaaltinnimo ahnu aynu dalka u dhisanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaan qaranku ku socon Karin rabitaanka cid gaar ah, sharciyadda dalkuna aanay oggolanayn, waxaanu yidhi, “Haddii ay dooddu inaga gasho waxaan doonayo oo aan helo mooyaane waan duminayaa, taas diintuna ma oggola dastuurkuna ma oggola, sharcigana ma oggola oo doon baynu wada saarannahay, markaa waa laga qabanayaa qarankaa ka qabanaya”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah uga hadlay doodaha axsaabta mucaaridku aaminsan yihiin iyo sida ay qodobada ay cuskanayaan u jaban yihiin, isaga oo caddeeyey in sharciyadda dalka iyo go’aamadii maxkamadda sare soo saartay aan dhannaba loo dhaafi Karin.

“Xisbiyada mucaaridku waxay fagaaraha ka sheegaan oo ay diiddan yihiin, saddex qodob oo aannu isla oggollahay ayey mid walba cillad daba dhigaan. Waxay yidhaahdeen tobankii sanno ee xisbiyadu furmayeen waa sharci, maxkamadduna way xukuntay oo aannu oggolnahay, laakiin doorashada ma geli karaane saddexda xisbi uun baa doorashada gelaya, ilaa Baarlamaanku sharci cusub soo saarayo, aniguna taas waxan idhi sharci uma hayo oo maxkamaddu wixii ay ina fartay uun baan fuliyaa, Kow iyo toban xaakin oo maxkamadda sare ahi wixii ay gooyeen anigu farogelin kari maayee walaalladay waxa u furan inay maxkamaddii ku noqdaan oo ay weydiistaan inay u sharraxdo, wixii ay maxkamaddu isoo farto uun baan anigu fulinayaaye,” sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Qodobka labaad ee aanu isku haynaa waxa weeye doorashadii madaxweynaha waqtigeedii halla qabto, yaase diiddan, in doorashadii madaxweynaha waqtigeedii la qabtana waxa muddayn kara Komishanka doorashooyinka, guddidii doorashooyinka oo dhexdooda khilaaf ka yimi oo shaqadii ka wada tagtayna degdeg baan usoo magacaabay, waxana aan u diray Baarlamaanka, labada xisbi ee mucaaridka ah baan ugu badan golaha, saddex buu Baarlamaanku diiday, saddexdabana cidda diidday waxay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu mucaaridka ugu baaqay inay fasaxaan xubnaha Komishanka doorashooyinka ah ee ay xildhibaannadoodu soo celiyeen, si loo dardargeliyo doorashooyinka, maaddaama oo ay komishanku udub-dhexaad u yihiin dhammaanba doorashooyinka dalka.

“Haddii ay xisbiyada mucaaridka ah ka dhab tahay in la muddeeyo doorashada madaxtooyada, ciddii doorashada qaban lahaydna waan haysanayaa, doorashadii in la muddeeyona waan rabaa isma qabatee hasoo daayaan saddexdii xubnood, dabadeedna guddida doorashooyinku ha inoo muddeeyaan, wax kale oo aynu isku haysanaa iima muuqatee,” ayuu dooddiisa ku soo gebo-gabeeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo intaas ku daray inuu mar kasta diyaar u yahay wada-hadal, waxaanu ka digay isku day kasta oo ka hor imanaya shuruucda dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories