HomeMadaxweynaha Somaliland oo Digreetooyin kala duwan xilka kaga qaaday Masuul Xukuumadda ka...

Madaxweynaha Somaliland oo Digreetooyin kala duwan xilka kaga qaaday Masuul Xukuumadda ka tirsan, Qaar kalena ku magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilka ka qaaday agaasimihii Gudd ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Md Shariif Libaax Muuse, waxaanu beddelkiisa Madaxweynuhu u magacaabay Md Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf inuu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas.

blank
Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo Digreeto ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Md Cabdisamad Cumar Maal ka dib markii agaasimihii hore ee Wasaaraddaas Axmed Cumar Faahiye oo xilkaas loo magacaabay badhtamaha Bishii June ee sannadkan uu xilkaas uga cudur-daartay sababo Caafimaad awgeed.

Warsaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Axmed Saleebaan Dhuxul oo xambaarsan labada digreeto ee madaxweynuhu xilalka ku magacaabay, masuulka kalena xilka kaga qaaday ayaa u dhignaa sidan:-

Xil ka-qaadis

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay no. JSL/M/XILQ/249-1331/092012, Xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Shariif Libaax Muuse.

Mudane,

Waxa aan aad kaaga mahad celinyaa mudadii aynu soo wada shaqaynaynay. Xilka Qaranka ayay dabcigiisu yahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.”

Magacaabis

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay  No. JSL/M/XERM/249-1329/092012 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan.

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso,

Markuu ku qancay:  Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

2. In Mudane, Xuseen Xaaji Axmed Yusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka JSL.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories