HomeMadaxweynaha Somaliland oo Dhiggiisa Djibouti ku hambalyeeyey Guusha uu Doorashada ka gaadhay

Madaxweynaha Somaliland oo Dhiggiisa Djibouti ku hambalyeeyey Guusha uu Doorashada ka gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle ku hambalyeeyey guusha uu ka gaadhay Doorashada madaxtinimada oo Jimcihii shalay ka qabsoomtay dalkaas.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay inuu hoggaamiyo dalkaas, ayaa guulaystay 98 boqolkiiba codadka shacabka Jabuuti, sida lagu sheegay natiijada hordhaca ah ee doorashada oo uu shaaciyey wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti.

blankMd Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhiiggiisa Jabuuti ku bogaadiyey guusha uu doorashada ka gaadhay iyo horumar uu sheegay inuu dalkiisa gaadhsiiyey muddadii uu hoggaaminayey siyaasadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

War qoraal oo xambaarsan dhambaalka hambalyada ah ee madaxweyne Muuse Biixi oo goor-dhawayd ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda Somaliland iyo ka shacbi weynaha, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda Jabuuti, guushii ay ka gaadheen doorashadii sida nabadgelyada ahayd uga qabsoontay dalkaasi jimcihii oo ay taariikhdu ahayd 09-04-2021, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale loo doortay hoggaaminta madaxtinimo ee dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka ay Jabuuti ku tallaabsatay mudadii uu hoggaaminayay. labada dal iyo labada shacbi ee Somaliland iyo Jabuuti oo xidhiidh qoto dheeri oo soo jireen ahi ka dhaxeeyo, waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa inuu noqdo xidhiidh midho dhal ah oo sii xoogaysta.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu mar labaad ugu hambalyeynayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti guusha taariikhiga ah ee uu ka soo hooyay doorashadii dalkaasi ka qabsoontay, isagoo u rajeeyey Madaxweynaha, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti in ay ku waaran barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar”, sidaas ayaa lagu sheegay warkan oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories