HomeMadaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska Mac'hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Qaranka

Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qodobka 10aad
Xidhiidhka Wasaaradda Horumarinta Beeraha & Mac’hadka

1) Mac’hadka cilmi-baadhista beeruhu waxa uu u gudbinayaa siyaasadaha iyo istiraatiijiyada cilmi-baadhista beeraha ee uu diyaariyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, si uu u ansixiyo.

2) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxa uu ka hawl-galayaa sidii mac’hadka loogu raadin lahaa dhaqaale uu ku fuliyo hawlihiisa shaqo.

3) Mac’hadku waxa uu wasaaradda u gudbinayaa war-bixinaha la xidhiidha wax-qabadkiisa.

4) Wasiirku waxa uu siin karaa Mac’hadka tilmaamo iyo talooyin la xidhiidha xil-gudashadiisa marka uu u arko lagama-maarmaan. Sidoo kale Mac’hadku wuxuu ku war-gelinayaa Wasiirka hawlaha uu u arko in ay ku jirto danta Qaranka ee la xidhiidha cilmi-baadhista beeraha dalka.

 

+++++++++++++++++++++++++++++++++

Xeer Madaxweyne Lr. 11/012021

Xafiiska Diiwaanka Sekada

Markaan Arkay: Qodobada 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobada 12aad, faqradiisa 7aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay leeyihiin beeraha iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka iyo gaadhitaanka isku-filnaashaha wax-soosaarka dalaga beeraha;

Markaan Arkay: Qodobka 18aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumada iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan, Xeer Lr.71/2015 oo dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laamaheeda shaqooyinka,

Markaan Arkay; In Sakadu ay tahay qaab maaliyadeed oo cibaado ah, taasoo waajib looga dhigay Muslimiinta, isla markaana ah aasaaska nidaamka dhaqaalaha Islaamka, kana mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Waxaan Go’aamiyay;

1) In aan laalo Xeer Madaxweyne Lr. 0460/032015, kuna taariikhaysan 07/03/2015 ee lagu aas-aasay Xafiiska Diiwaanka Sekada.

2) In laga bilaabo taariikhda maanta Xafiiskii Diiwaanka Sekadu uu noqdo Waax ka mid ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

3) In Waaxda Diiwaanka Sekada ee Wasaaradu ay ka masuul noqoto;

a) ku-wacyi gelinta bulshada in Sekadu tahay hannaan maaliyadeed oo Islaami ah, taasi oo ah waajib la xidhiidha in qofku ka bixiyo hantidiisa sannad kasta qadarka sekada ah ee ku waajibay.

b) Ka-guddoomidda qofka bixinaya qadarka sekada ee ku waajibay.

c) Cayimidda iyo ku dhawaaqidda sannad kasta waqtiga loo qoondeeyay guddoomidda, ururinta, qaybinta iyo maamulka sekada, si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada shacabka.

d) U-qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada, si loo cidhib tiro saboolnimada.

e) Ku-wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada iyo in bixinta sakadu ay daahirinayso, kordhinayso oo barakaynayso hantida qofka muslimka ah.

f) Dhigidda sekada xisaabta Xafiiska ee baanka dhexe ee Somaliland.

g) Hawlaha kale ee Wasiirka Wasaaraddu u xil-saaro.

Madaxweynaha JSL 

Md Muuse Biixi Cabdi

.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories