HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Galiyey Xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-Gelinta Muwaadinka

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Galiyey Xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-Gelinta Muwaadinka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa(SLPOST)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Qalinka ku duugay digreeto uu  ku  Dhaqan-gelinayo xeerka  Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2

Digeertadani  uu Maanta Madaxweyen Siilaanyo ku saxeexay Xeerkani ayaa waxa lagu faafiyey War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa    Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul), War Murtiyeedyadaasi ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2296/032014, ku dhaqan-geliyey xeerka  Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                Qodobka 90aad iyo Qodobka 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                Qodobka 3aad ee Xeerka Jinsiyadda, Xeer Lr. 22/2002 oo waajibinaya in muwaadiniintu helaan aqoonsiga muwaadinimo;

Markuu Tixgeliyay:      Siyaasadda Golaha Wasiirradu ansixiyeen ee ay ku go’aamiyeen in la sameeyo Diiwaangelinta muwaadinka;

Markuu Arkay:                Baahida loo qabo in la helo Diiwaangelinta muwaadinka oo laga sameeyo Dalka oo dhan si loo helo xog sugan;

Markuu Yaqiinsaday: In Diiwaangelinta Muwaadinka ay udub-dhexaad u tahay isla markaana fudaydinayso in la helo diiwaangelinta codbixiyaha oo u gogol xaadhaysa in la helo doorasho xor oo xalaal ah;

Markuu Xaqiiqsaday: In ay tahay daruuri in la sugo muwaadiniinta reer Somaliland si loo xaqiijiyo in ay codeeyaan muwaadiniinta oo keliya;

Markuu Garwaaqsaday:         In la dardar-geliyo loona qabto hawsha Diiwaangelinta Muwaadinka si dhaqso ah;

Isagoo Maanka ku Haya:        Ahmiyadda doorashooyinku ku leeyihiin Qaranka iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah;

Wuxuu halkan ku soo Saaray Xeerkan;

Qodobka 1aad

Aasaaska Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Waxaa Xeerkan lagu aasaasay Guddiyada soo socda:

Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka (Steering Committee) oo ka kooban:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xubin.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xubin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Xubin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Xubin.

 Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xubin.

 Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Xubin.

Qodobka 2aad

Ujeeddada Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Ujeeddada Guddida Hogaamintu waa hogaaminta iyo ka midho dhalinta habka diiwaangelinta muwaadinka.

Qodobka 3aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Xilka iyo waajibaadka Guddida Hogaamintu waa:

Dejinta iyo xaqiijinta qorshayaasha Diiwaangelinta Muwaadinka.

Ansixinta qorshaha diiwaangelinta.

Hagidda iyo daba-galka guddi hawleedka lagu aasaasay Qodobka 1aad ee Xeerkan.

Ka-talo bixinta caqabadaha laga yaabo in ay soo food-saarto hawsha diiwaangelinta.

Ka-talo bixinta soo saarista Xeerarka, Wareegtooyinka iyo amarrada lagama maarmaanka u ah meel marinta diiwaangelinta.

Qodobka 4aad

Aasaaska Guddi Hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka

Guddi Hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka (Task Force) oo ka kooban:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye.

Maareeyaha ICT Commission, Xubin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, Xubin.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga, Xubin.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Xubin.

Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud, Xubin.

Qodobka 5aad

Ujeeddada Guddi Hawleedka

Ujeeddada Guddi Hawleedku waa meel marinta siyaasada iyo ka midho dhalinta qorshayaasha Guddida Hogaaminta.

Qodobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddi Hawleedka

Xilka iyo waajibaadka Guddi Hawleedku waa:

Fulinta siyaasadda iyo qorshayaasha Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka.

Fulinta hawl-maalmeedka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka.

La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta habka ay u socoto Diiwaangelintu.

La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka caqabadaha farsamo ee soo foodsaari kara hawsha diiwaangelinta iyo soo jeedinta talooyinkooda la xidhiidha caqabadahaa.

Qodobka 7aad

Xarunta Guddiyada

Labada Guddi waxay ku hawlgalayaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo udub-dhaxaad u ah hawsha diiwaangelinta.

Qodobka 8aad

Dhawridda Xilliga iyo Nidaamka

Guddiyada waxaa la farayaa in hawsha lagu qabto wakhtiga loo qorsheeyey lana raaco Nidaamka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyadoo la dhawrayo hanaanka iyo habsami u socodka shaqada.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories