HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Dhammeystiray Kharashka Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhammeystiray Kharashka Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta furey munaasibad lagu Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada.

Munaasibada waxa ka qayb-galayshir-guddoonka Golaha wakiilada Somaliland, daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada, xildhibaano, Maayarada magaalooyinka qaarkood, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, dhalinyaro ka kala timi gobolada dalka, qaybaha bulshada iyo marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland Khadar Ibraahim oo sharraxaad ka bixiyey maraaxilkii uu sanduuqani soo maray.

Waxa kale oo halkaas hadallo ka jeediyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Maayarka Caasimada Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayey Afka Maayarada Dalka, Gudoomiyaha Sonyo, Mudane Bedri Xasan Muxumed, agaasimaha Fulinta Nagaad, marwo Nafiisa Yuusuf, Mr, Simon Strachan oo ka socday Qaramada Midoobay, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada iyo faa’iidada uu sanduuqaasi u leeyahay dhalinyarada iyo qaranka Somalilandba.

blankUgu danbayna waxa madasha soo xidhay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku dhiirigeliyey dhammaan cid kasta oo gacan ka geysan karta arrinta sanduuqa inay qayb weyn ka qaataan sidii looga midho dhalin lahaa ujeedada sanduuqa laga leeyahay.

Madaxweyne Biixi waxa uu madasha kaga yaboohay lacag dhan $300,000 oo ahayd lacag ka dhinayd Bilowga iyo dhaqaajinta sanduuqa oo aasaaskiisa loo asteeyey 1 Milyan oo doolar.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu soo saaray bishii February 2020-kii ku dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska sanduuqa Horumarinta Somaliland, kaas oo dhigaya in Sanduuqu yeelanayo Guddi maamul oo ka kooban 11 Xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, ayaa qayb ka ah Barnaamijkii Siyaasadeed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku galay Ololaha Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee ku guulaystay Sannadkii 2017-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories