HomeMadaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Hambalyo iyo Duco isugu jirta u diray Ra’iisal-wasaaraha...

Madaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Hambalyo iyo Duco isugu jirta u diray Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray reysal-wasaaraha Cusub ee dalka Ethiopia, Dr Abiy Ahmed oo maanta loo dhaariyey Xilkaas.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, kaas oo isagoo dhammeystiran u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya afka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka shacbiga waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ra’isal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali oo maanta si rasmi ah u noqday ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, isla markaana hore loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee EPRDF.

muuse biixi dubaiMadaxweynuhu sidoo kale wuxu hambalyeynayaa dalka iyo shacbiga aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo uu inaga dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo salka ku haya deris wanaag, ganacsi iyo iskaashi nabadgalyo.

Waxa Hubaal ah in aynu wadaagno dalka Ethiopia taariikh ma guurto ah iyo saaxiibtinimo soo taxnayd wakhti dheer, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey ra’isal wasaaraha cusub siyaasi ka sii amba qaadi kara halka uu taagan yahay wakhtigan dalka Ethiopia, wuxuuna u rajeeyey  guul, horumar iyo inuu sii xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia.

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay ra’isal wasaarihii hore ee is casilay Hailemariam Desalegn, sidii fiicnayd ee uu u adkeeyey xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeeka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories