HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka Oo la dhisayo Khayriyadii...

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka Oo la dhisayo Khayriyadii Hore Ee Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee Hargeysa.

blankDhismahan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhagax-dhiggeeda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin, abwaanno iyo ganacsato kala duwan, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani qaranka u yeelan doonto iyo baahida loo qabo in dhammaanba wixii keyd ah bulshada manfac u leh  loogu keydiyo si jiilka dambe ee dhalan doonaa u intifaacsadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa ku dheeraaday taariikhdii ay soo martay xarunta Khayriyada Hargeysa ee haatan laga dhisayo Keydka Taariikhda Qaranka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay goobtaasi tahay xarun bulshada reer Somaliland Taariikh dheer u leh oo ku habboon in laga dhigo madal Taariikhda bulshada lagu keydiyo.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxay waxyaabaha la doonayo in lagu keydiyo xarunta cusub ee loo dhisayo keydka Taariikhda qaranka,“Halkan waxaynnu ka doonaynaa in Taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jirey, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba, lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynnu rabnaa inaynnu halkan kusoo ururinno oo ka faa’iidaysanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xarunta cusub ee uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay, ayaa noqonaya mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii Taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa’iidaysto.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories