HomeMadaxweynaha Somaliland oo Dawladda Ethiopia kala Hadlaya Xuduudka Xidhan ee labada waddan

Madaxweynaha Somaliland oo Dawladda Ethiopia kala Hadlaya Xuduudka Xidhan ee labada waddan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka amba-baxay garoonka diyaarada Magaalada Hargeysa, iyaga oo ku sii jeeeda Dalka Ingiriiska, waxaanay sii mareen dalka Itoobiya oo ay kala hadlayaan arrimo khuseeya xidhiidhka labada waddan.

Madaxweynaha oo maanta war-fidiyeennada kula hadlay Qolka Nasashada ee Garoonnka Egal ee Hargeysa, waxa uu sheegay inay dawladda kala hadli doonaan xidhiidka labada waddan, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda ugu sarreysa Itoobiya oo ay ka wada-xaajoodaan iskaashiga labada waddan ee dhinaca Ammaanka.

DSC_0643Muddoyinkii u dambeeyey, waxa xidhnaa Sooh-dinta u dhaxaysa labada waddan, iyada oo dawladda Itoobiya xidhatay Soohdinteeda arrimo la xidhiidha dhinaca ammaanka, ka dib markii dabayaaqada bishii Shanaad ee sannadkan Qaraxyo is-miidaamin laga fuliyey magaalada Jabuuti, waxaana qaraxyadaas ku dhintay isla markaana dhaawacyo tiro badan ka soo gaadheen Ajaanib tiro badan oo ku cawaynaya Maqaaxi laga cunteeyo oo ku taala badhtamaha magaalada Djibouti.

Waxaana Qaraxyadaas sheegtay Kooxda Al-Shabaab, iyada oo dadka fuliyey qaraxyadaas oo isugu jiray Nin iyo Naag la tuhunsan yahay inay dhinaca xuduudka Somaliland uga tallaabeen dalka Djibouti.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay noocyada wada-hadalka uu la qaadan doono dawladda Itoobiya iyo Safar isaga u gaar ah oo uu ku tagayo dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinaya Marwada Madaxweynaha Aamina-Waris Sh Maxamuud JIrde, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

HALKAN KA DHEGAYSO Hadalka Madaxweynaha

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories