HomeMadaxweynaha Somaliland oo dar-daaran Dhiirrigelin ah ku sagooiyey 33 Arday oo Deeq...

Madaxweynaha Somaliland oo dar-daaran Dhiirrigelin ah ku sagooiyey 33 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Taiwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay 33 Arday oo ku guulaystay tartan loo galay deeq waxbarasho oo dalka Taiwan siiyey Somaliland.

Kulanka sagootinta ah oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, madaxda guddida tacliinta sare ee Somaliland, safiirrada Somaliland iyo Taiwan u kala fadhiya Hargeisa iyo Taipei, ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho iyo waalidiintooda, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu dhiirrigelinayo ardayda, looguna mahadnaqayo waalidiintii kusoo tacabtay iyo dalka Taiwan ee deeqdan bixiyeyba.

blankUgu horrayn safiirka Taiwan u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Allen Chenhwa Lou oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan iyo qiimaha ay leedahay deeqda waxbarasho ee Ardaydan la siiyey, waxana uu kula dardaarmay xubnaha guulaystay inay ka faa’iidaystaan fursaddaas la siiyey.

Axmed Siciid Cige oo ku hadlay magaca waalidiinta Ardayda deeqda waxbarasho heshay, ayaa si weyn uga mahadnaqay deeqda Ubadka la siiyey, waxana uu ku adkeeyey inay kasoo dhalaalaan doorkooda ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta lagu siiyey.

blankCabdiraxmaan Xuseen Muuse oo ku hadlayey magaca Ardayda deeqda waxbarasho heshay oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey fursadda la siiyey, waxana uu ballan qaaday inay arday ahaan ka go’an tahay sidii ay fursaddaas uga midho dhalin lahaayeen.

Wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska iyo Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa iyaguna si isku mid ah ula dardaarmay Ardayda waxbarashada u baxaysa, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay noqdaan safiirro metelaya qarankooda, deeqda la siiyeyna guul kasoo hooya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka sagootinta ah soo gebogebeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ka faa’iidaysta deeqda la siiyey, una dhabar-aradayga caqabadaha ay kala kulmi doonaan dalka ay tegayaan oo ah mid ay isku cusub yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Ardayda la wadaagay khibraddiisa la xidhiidha waqti hore oo uu deeq waxbarasho ka helay dal dibadeed, waxana uu tilmaamay inay da’adoodii ku dedaaleen inay jiilasha dambe uga tagaan wax la taaban karo oo dhaxal ah.

“Annaga da’adayada waaweyni dedaalkayagii wixii aannu la kulannay halkaas ayaanu idin soo gaadhsiinnay, idinkana waxa la rabaa inaad halkaas ka qaaddaan, Insha Allaahu fogaan mayso inaad ka sheekaysaan in madaxweyne iyo wasiirro idin waddaceen maanta, idinkoo nolol wanaagsan gaadha, waxbarashaduna waa qori isu dhiib,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madasha ka ballan qaaday inay xukuumaddu bixinayso kharashka tigidhada diyaaradaha qaar ka mid ah Ardayda oo qayb ahaan iska bixinaysa Kharashka deeqda waxbarasho (Partially Scholarship).

“Dhammaan Ardayda deeqda waxbarasho qayb ahaan iska bixinaysa tigidhadooda dawladda ayaa ka bixinaysa,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories